Madaxtooyada Somaliland Oo Buuhoodle Badhasaab Cusub u Magacowday iyo Ku-xigeenkii Hore Oo La Caydhiyey
Hargeysa:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Habeenkii xalay Waxa uu Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Buuhoodle, isagoo sidoo kale xilkii ka Qaaday Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolkaas.
Madaxweynaha ayaan Magacaabin ciddii Beddeli lahayd Guddoomiye-ku-xigeenka uu Xilka ka qaaday, waxase Sida Muuqatada Hawsha iyo Maamulka Gobolka lagu ogaan Doonaa Guddoomiyaha Cusub ee Xalay Loo Magacaabay Gobolka Buuhoodle.
Wareegto kasoo Baxday Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Mudane Cismaan Ciise Maxamed laga Bilaabo taariikhda Maanta uu ahaan Doono Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo aanay Magaalo madaxdiisa si buuxda Gacanta ugu haynin Somaliland.
Wareegtada Lagu Magacaabay Guddoomiyaha Cusub, isla-markaana Xilkii lagaga qaaday Kuxigeenkii hore ee Gobolkaas ayaa u dhignayd sidatan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014, Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu Gudoomiye Cusub u magacaabay Gobolka, halka Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga qaaday aan weli la soo magacaabin masuul buuxiya madaxweynuhuna uu dib ka soo magacaabi doono.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu ku qancay: Inuu hanan karo xilkan;
Wuxuu go’aamiyay
In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle
Mudane,
Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com