|

Madaxtooyada Somaliland oo ay ku shirayaan xukuumadda iyo mucaaradku

Hargeysa (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa ka socda wada hadalo u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi ee mucaaradka ah, ama  Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.

Sida ay xogta ku heshay Qurbejoog, kulankan waxa ka qayb galaya madaxweynaha Somaliland, ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka socda xisbiga Kulmiye oo Maxamed Kaahin ugu horeeyo, gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah, murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani iyo ergada dhex dhexaadinta waday qaarkood oo ay hore mucaaradku uga dalbadeen in ay kulanka qayb ka ahaadaan.

Wada-hadalkani waa kii ugu horeeyay ee arimaha la isku hayo si toos ah looga wada hadlo wixii ka danbeeyay bishii May oo dhinacyadu ay ku kala kaceen kulan Madaxtooyada ku dhex maray, iyadoo khilaafku xoogaystay wixii intaa ka danbeeyay. Maanta waxa laga wada hadlayaa arinta la isku hayo ee doorashada urrurada iyo goorta ay dhacayso.

Muuse Biixi ayaa hore u dalbaday in ergada meesha laga saaro oo ay iyagu wada hadlaan mucaaradka halka ay mucaaradku soo jeediyeen in aanay la hadlay madaxweynaha oo kaliya ee ergada dhexdhexaadintu ay madasha wada hadalka fadhiyaan.

Wararka kasoo abxa kulanka maanta kala soco Qurejoog oo isha ku haya dhacdooyinka wada hadalka.

Comments are closed