Madaxtooyada Oo Weerar qaawan ku Qaadday Mujaahid Maxamed Xaashi iyo Dhuxul Oo Noqday Shaabuugga Lagu Garaaco Mujaahidiintii Dhiiggooda Huray
Hargeysa:June,29,2014(SDN/QJ)-Madaxtooyada somaliland, ayaa Weerar qaawan ku qaadday Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, waxana uu Afhayeenka Madaxtooyadu sheegay inuu Huwaday Shaadhkii qabiilka.
Madaxtooyada ayaa Weerarka ay ku qaaday Mujaahid Maxamed Xaashi u adeegsatay oo dhex marisay Afhayeenkeeda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo si ka baxsan Anshaxa Siyaasadda ugu tilmaamay Maxamed Xaashi mid ku hawllan duminta iyo mijo-xaabinta Somaliland.
Afhabeenka ayaa ku sheegay maxamde Xaashi nin Hankiisa ku soo Koobay Meel soke oo Beeleed, isla-markaana ka tegay midkii qarranimo, “Maxamed Xaashi waaka soo qaatay shaadhka qabiilka ee Subeer-awal meelahaas la wareegaya, subeer awlana waxa uu wax ku noqonaya waxa ay Somaliland wax ku nqoto,” ayuu Yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu.
Waxa uu sheegay in Maxamed xaashi yahay nin laga hortaagan yahay Burburinta Tacabkii uu hore ugu soo galay, waxana uu yidhi,
“waa tacabkaagii weeye waxanu maxamed xaashow kaa hogtaanahay.mar walba shacabku si qiimo leh ayey idiin la hadlayaan oo ay leeyihiin waar daaya Tacabkiina”
Waxa uu xusay Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul in uu mujaahid Maxamed Xaashi Noqday nin marba cid dano gaar ahi lihi u adeegsato rabitaankeeda u gaarka ah,“ma aha in kolba maxamed xaashi afarta qof ee dan lihi inay maxamed Xaashi soo kaxaystaan oo yidhaahdaan kaalay maxamed xaashow noo hadal oo isna sacabka ka tumo marka laa caayayo ganacsato sharaf leh oo dalka ku sharaf leh oo waxtar badan leh oo hormood ah marka ay dad wax ma garato ahi caayayaan.” Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.
Tallaabadan madaxtooyadu ugu jawaabtay mujaahid Maxamed Xaashi ayaa timi markii uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ku sii siqayo habaabinta iyo luminta sharaftiisii iyo karaamadiisii uu shacabka dhexdiisa ku lahaa, waxana taas ka gubtay Kooxda ku xeeran madaxtooyada oo afhayeen dhuxul oo ay isku Beel ka soo wada Jeedaan ku kalliftay inuu jawaab degdeg ah Bixiyo.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com