Madaxtooyada Oo Ku Guulaysatay Ladqabaynta Wasiir Muuse Qaasim, Kuna Khasabtay Inuu Afkiisa Ku Beeniyo Warkii Hore Uga Fakaday
Hargeysa:March,04,2015(Himilo)-Kadib wada-hadallo iyo kulamo saacado qaatay, ayey madaxtooyada somaliland ku qancisay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Muuse Qaasim inuu xilka sii hayo, isla-markaana aanu dhegaysan soo jeedimaha uga imanaya wasiirradii hore xilalkooda iskaga casilay ee ay saaxiibadda ahaayeen.
Kulankan oo sida warar xogogaal ahi noo xaqiijiyeen ka dhacay Aqalka Madaxtooyada, ayaa sabab u noqday inuu wasiirku xilkiisa sii haysto, waxana lagu wargeliyey inuu saxaafadda la Hadlo, isla-markaana meesha ka saaro iscasilaadiisa suuqa ku jirta ee markii hore u qorshaysnayd.
Ladqabada uu wasiir Muuse Qaasim aqbalay, ayaa ka timi dhinaca Saraaakiisha madaxtooyada ku xeeran oo ay ugu horreeyaan Ibraahim Kacaan, Cali Marreexaan iyo Waliba Marwada Madaxweynaha oo iyadu baryo ugu sheegtay wasiirka inaanu xilkaas iska casilin.
Wasiirka oo wararkaas iscasilaadiisa la xidhiidha meesha ka saaraya, ayaa yidhi,
“ Maalmahan waxa magaalada ku jirtay in Layidhi wasiirka Ganacsiga ayaa is casilaya,warkaas Ku Tiri Kuteenta ah Ayaan Doonayay inaan halkan ku beeniyo Warkaasna waxba Kama Jiraan,Aniguna Nin is Casilaya Mayihi sabab Aan sku Casilaana Meesha Mataalo waan Argtidayda Gaarka Ah. madaxwaynahu waxa uu Awood u leeyahay inuu dastuurkuna Siinayaa in Golahiisa wasiirada kala Badalo Qaar Cusubna Magacaabo waa Awood Madaxwayne Siilaanyo,Markaas Xaqiisii Dastuuriga Ahaa ayuu gudanayaa,Markaas wax Saamayn Ah oo ay aniga ugu yeelatay Majirto.”
Muuse Qaasim oo ay Hadalkiisa ka dhadhamaysay kulankaas uu madaxtooyada kusoo qaatay iyo waxyaabihii lasoo faray, ayaa sheegay in isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo sameeyey ay ahayd wax sharci ah oo uu isagu ku qanacsan yahay,
“Saaxiibaday Hadii ay Qaarkood Saluugeen Xilkii loo dhiibay kolayna saaxiibtinimadu ujeedooyin badan ayay leedahay dadkuna wax badan ayay wadagaan wax badana way ku kala duwan yihiin,anigu waxaan u arkayn dhacdadaas dhacday iyo isku shaan-dhayntaas lagu sameeyay wax caadi Ah.”ayuu yidhi Muuse Qaasim.
Mudane Qaasim, ayaa ku dhiiraday ka Hadalka saamaynta saaxiibadiisa iska tuuray Tareernka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Sii Degaya, waxana uu xusay inaan waxba loo noqonayin,
“Walaahi Hortu Gobolka Gabiilay waa gobol wayn qof iyo labatoona gobolku uma xidhna oo yacnii dad badan ayaa ku nool gobolka saamayn badana lama odhan karo way ku yeelan karaan,dadkuna hadba Ninkii xukuumada ugu jira ayaa matala,Abiib iyo Samaale haday is casileen saaka waxaan u malaynayaa inaan wasiir u ahay wax is badalina kama iman karaan.”
SDN/QJ