Madaxtooyada oo afar isku beel ah u soo dirtay martiqaad buuxa aqoonsigii degaanka Sheffield awgeed
iyadoo ay soo dhawdahay dabaaldagii gugii qaranimada Somaliland ee saddex iyo labaataanad oo astaan u ah midnimada iyo wadajirka ummadeena oo aynu kaga baxnay qabaa;il iyo reero ishaysta ayaa si lama filaan ah aad moodaa in dib looga soo noqday qabiil iyo reero saddex boqol iyo lixdan digirii mar kaliya. Mahadaa waxa iska leh madaxwaynaha siiraanyo iyo faro ku tiriska haya maamulka Somaliland waqtigan kooban ee aynu ku jirno.
Waxaa soo maray muddada ay Somaliland jirtay saddex madaxwayne oo ka horeeyay madaxwaynaha haatan jooga, wali taarikhda Somaliland may soo marin in mid ka mid ahi isku soo xeero juffada uu ka dhashay iskadaa qabiilka guude oo uu ku dhigto wasiir madaxtooyo ama cid ka garab dhaw. Waxay taariikhdu baal dahab ah ku xusaysaa in wasiirkii madaxtooyada ee Dahir Riyaale u ahaa nin ka soo jeeda beel ay markaa colaad ka dhaxaysay beesha madaxwaynaha waana ( wasiirkii madaxtooyada ee Nuur Aamin). Waxay arintaasi ku tusaysaa haybada dawladnimo iyo sinnaanta ka jirtay waqtigii madaxwayne Riyaale oo aan qabyaalad madaxwaynuhu cid ku magacaabi jirin isku kalsooni u qabo awgeed, halka madaxwaynaha manta jira la iskugu qaylo dhaan dirtay wixii dalka iyo dibadaba joogay ee isku reer ay ahaayeen ama xidid ay ahaayeen oo dhamaan lagu qulqulayo afaafka madaxtooyada si loo boobo hantida qaranka oo aanay manta cidna ka qarnsoonayn oo il kaste oo dhaqaale ama mashruuc maaliyadeed madax looga dhigay nin ka soo jeeda beesha madaxwaynaha
Iyadoo haddaba dulucda qoraalkani ku salaysan yahay hab dhaqanka beesha madaxwaynahu caanka ku tahay ee ah ka qaloodka ummadaha kale ee reer Somaliland, is dabayaac, iyo ku faanida wax badan oo laga xishood ayaa waxay keensatay in guushii ay ummada reer Sheffield u soo hooyeen Somaliland lagu astaameeyo inuu reer keenay oo sidaa darted martiqaad buuxda madaxtooyadu u fidiso shakhsiyaad ka mid ah. Waa siday ula muuqtay ninkii bakayl ma leeg yahay yidhi.
Waxaynu hore u ogayn fadeexadii lacagta u lunsaday wasiirka macdantu (waji-xun) iyo been abuurka u ka sheegay reer Sheffield ee u yidhi waan gaadhsiyay lacagtii marka horeba xaaranta ahayd ee madaxtooyadu u soo dhiibtay oo aanay waxba ka jirin halkaas oo nin ay isku reer yihiin intuu af kala qaaday yidhi waa runtii waa lana soo gaadhsiiyay 20,000 halka wasiirka macdantu (waji-xun) u sheegay inuu gaadhsiiyay 18000. Ma been ayaa qarsoomi karta. Maxaa labada hadal is dhaafiyay haddii ay runi jirto.
1.Haddaba ninkii guushaa hiilka ah soo hooyay oo la yidhaa Adam sawahili (habar jeclo ahmed farax) oo ay isku dhawyihiin madaxwaynaha dhabta ah ee Somaliland Jaale xirsi ayaa lagu martiqaaday madaxtooyada Somaliland iyo doorkii laxaadka laa ee ku qaatay ictiraafka Somaliland ka heshay degmada Sheffield
2. Nin kale ee martiqaadka loo fidiyay ictiraafkii Sheffield dartiis waa nin la yidhaa Ahmed Shakir Qadi Maxamuud (habar jeclo, aadan madoobe) oo isagana si gaar ah ay isku dhawyihiin madaxwayne siiraanyo
3. Nin kale ee isaguna beeshan ka soo jeeda ee martiqaadka loo fidiyay waa Ismaciil ducaale (habar jeclo)
4. Waxa kale oo iyaduna ku jirta gabadha la yidhaa Anab Ali (habar jeclo Ahmed farax)
Haddaba haddii aan kaftan raaciyo waxaa kuu muuqanaysa labadii madaxwayne ee dalku lahaa inay kala qaybsadeen cidday martiqaadka u fidiyeen, ee su’aashu waxa weeyi ma guushii ay ummada reer Sheffield lahayd ayaa beel kaliyi sheegtay. Miyayna ahayn wax laga xishood oo aan taarikhda Somaliland soo marin in madaxwayne uu martiqaado tiro ay isku reer yihiin .
Gabo gabadu waxa weeyi in aayihii ummada Somaliland manta meel halis ah u marayo kol haddii maalintii ay ummadu mid ku ahayd la yidhi reer ayaa iska leh. dabaal daggi magaalada Bristol ayay beesha madaxwaynuhu tidhi anaga ayuunbaa matili karna Somaliland qaban qaabinta xuskeedana cid kalena kama ogolin inay nagula wadaagto.
Waxaa hubaal ah in haddii aan ilaahay raxmadiisu ina soo gaadhin ay khatar galidoonto Somaliland kol haddii ay gacanta u gashay dad aan aqoon badan oo u ummad lagu maareeyo lahayn . Waxaana xusid mudan in haddii cadaalad la waayo ayna nabadi jiri doonin, Somaliduna hore ayay tidhi kari xun iyaduna wax ku la.
Taariikhduna waligeed uma naxariisatu qof kaste ama masuul kaste oo booli qaran cunnay. Haddii maanta aan raad laga hayn reer Siyaad bare iyo wax sheegaya waxa hubaal ah kuwa doortay inay qaadaan tubtiisii oo beeshooda xoola ummadeed ku anqariyaan in aayahoogu ku danbayn doono halkay ku waasi mareen .
Cumar cali