Madaxii Islaamiyiinta Syria Ee Al-nusra Oo Duqayn Lagu Dilay
Damascas:Mar,06,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha Ammaanka dalka Syria, ayaa sheegay inay Duqayn cirka ah ku dileen Hoggaamiyihii Kooxda Al-nusra oo ah Koox ku Xidhan Ururka Al-qaacida.
Wararku waxay sheegayaan in hogaamiyaha la dilay oo la yidhaahdo Abuu Xamaami Al-Shami waxaa uu ku naf waayay duqeyn ka dhacday goob uu ku sugnaa oo ku taala gobolka Idlib ee waqooyiga Syria.
Ilo dhanka military,ga ah ayaa ku waramaya in hogaamiyahaan ay la geeriyoodeen Sadex hagoomiye oo kale oo ka tirsanaa kooxda Al-Nusrah .
Xilliga duqeyntu dhacaysay waxaa socday kulan ay hogaamiyaasha geeriyooday lahaayeen sida ay ku waramayso wakaaladda wararka dalka Syria ee SANA la yidhaahdo.
Warar soo baxaya ayaa magacyada Sadexda ruux ee hogaamiyahan lala dilay ku sheegay Abu Muscab Falastiini, Abu Cumar Kurdi iyo Abuu Baara Ansaari.
Kooxda Al-Nusrah ayaa ka mid ah kooxaha hubeysan ee awooda badan ku leh dalka Syria waxaana ay ka mid yihiin kooxaha doonaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Bishaar Al-Asad.
SDN/QJ