|

Madaxii danbi baarista NSStii Soomaaliya oo maxkamadi ku heshay denbi Jir dil ah

Columbus Nov 21,2012(SDN)-Korneel hore uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya oo ka hawlgeli jiray ciidamada amaanka looguna yeero “Gestapo of Somalia” ayaa masuuliyada jir dil loogeystay nin u doodi jiray xuquuqda aadanaha masuuliyadeeda loo saaray,waxa sidaa xukuntay maxkamad ku taal gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Xukunka ayaa wadada u xaaraya in danbiilaha iminka lala beegsado maxkamad medini ah oo magdhaw u xukumi karta dhibanaha eeda ku soo oogay,sidaa waxa daabacay barta Internetka ee AP.

Cabdi Adan Magan oo mudo dhawr sano ah haatan ku noolaa Ohio ayaan wax cadeymo isdifaaca soo bandhigin mudadii la dhegeysanayay dacwada,si uu isaga difaaco in uu amarka jir dilka isagu bixiyay,sida uu sheegay Xaakimka maxkamada George Smith oo xukunkan riday.

Abukar Xasan Axmed oo ah Qareen isla markaana u ololeeya xuquuqda aadanaha oo iminkana wakhtigiisa u qeybiya London iyo Muqdisho ayaa sanadii 2010kii eedan hor geeyay maxkamada Gobolka Ohio.

Abuukar ayaa dacwadiisa ku sheegay in mudo sadex bilooda oo lagu jirdilay xerada NSSta oo uu xiligaa heystay Abdi Magan.

Abuukar ayaa sheegay in dhaawicii mudadaa soo gaaray ay ka mid yihiin qaar aan hatan u saamexeyn in uu kaadida xejisto.

“Magan ma uu soo bandhigin cadeymo muujinaya in uu qaaday tilaabooyin is hortaagaya in dadka xiran la jir dilo ama uu tilaabo ka qaaday saraakiisha dadka jir dileysay”sidaa waxa yiri Xaakim Smith.

Qareenka Magan ayaa The Associated Press u sheegay in aanu goaanka maxkamadeed sidaa awgeedna aanu ka hadli karin.

Cabdi Magan ayaa qudhiisu ka gaabsaday in uu ka hadlo goaanka,kolkii dacwada la xareeyayna waxa uu in mudo ah waday isdifaac,balse inta ka dib waa uu isaga tegay Mareykanka oo waxa uu u wareegay Kiinya.

Horaantii Magan waxa uu isku difaacayay in dacwada laga xareeyay wadan khalada iyo in mudo aad u dheer ay ka soo wareegtay xiliga dhacdada.

In uu Denbiiluhu ka tegay Mareykanka waxa ay adkeyneysaa in Magdhaw looga qaado dhibanaha,balse Xaakimka ayaa dhegeysan doona Abuukar oo ka warbixinaya sida wax u gaareen sida ay sheegtay Kathy Roberts oo ka socota xarunta Cadaalada iyo La Xisaabtanka oo xaruntoodu tahay San Francisco.

Center for Justice and Accountability ayaa hore gacan uga geysatay maxkamadeyntii wasiirkii Gaashaandhiga isla markaana ahaa raiisul wasaarihii Soomaaliya Gen Maxamed Cali Samatar oo qudhiisa denbi tacadi dad shacab ah loogeystay lagu helay.

“Goaankani waa muhiim sababta oo ah ma muujinayo uun in col Magan uu ka danbeeyay jir dilka Abuukar Maxamed ee waxa kale oo uu muhiim u yahay waxa goaanku toosh ku iftiiminayaa doorka ay ciidamada amaanku ku lahaayeen cadaadinta gadoodka shacabka ee xukuumadii Siyaad Bare” sidaa waxa yiri Kathy Roberts.

Bishii August ayaa Xaakim federalka ah oo gobolka Virginia ku dhegeystay dacwadii Cali Samatar waxa uu xukmay in uu raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Samatar uu magdhaw ahaan u siiyo dhibaneyashii dacwada ku soo oogay aduun dhan $21 million dollars.

SDN-Columbus
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed