“Madaxdii islaamka waxa ku adkaatay inay runta u sheegaan gaalada, dadka qaarkood sheekooyinka faasidka ee qabaa’ilkooda joojiyaan, ninkii iyo gabadhiisu runta isu sheegaan…” Sheekh Dirrir
Hargeysa 31 January, 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday inaanay sharci ahayn samaynta wax kastoo lagu raaligeliyo makhluuqaadka, oo Ilaahay ka cadhaysiinaya, samayntiisuna gef weyn tahay.
Sheekh Maxamed Waxa uu Khudbadan kaga hadlay raaligelinta Ilaahay iyo faa’iidooyinkeeda oo ah muhiimada nolosheena ayaa yidhi,
“Ilaahay in la raaligeliyo waxa lagu gaadhaa diintiisa oo la dhaqan geliyo, nebigiisa Maxamed CSW lagu deydo, oo manjahkiisa uu samada ka soo dejiyey oo la raaco, laakiin qofku haduu is-yidhaahdo dadka wada raaligeli ma gaadhi karo. Imaanu Shaafici waanooyinka laga dhaxlay waxa ka mid ah, isagoo la hadlayey nin saaxiibkii ah ‘Raaligelinta dadka hadaad isku deydo ma gaadhi kartid, sidoo kalena helitaanka aduunyo dhamaanteed weligaa ma gaadhid, dadka inaad ka nabadgashana lama helo, ku dedaal waxaad ku hagaagayso, dadka iyo waxay wadaana iska daa, laakiin haw ciirin xumaantooda. Sidaa ayaa Rasuulkii CSW ka sugnaatay, Mucaawiya ayaa qoraal u soo qoray Caa’isha RC, waa xaaskii rasuulka CSW oo fatwada bixinaysay, jawaabaha diinigana cid walba weydiinaysay, ku yidhi ‘Hooyo waxaad ii soo qortaa dardaaran aad nebiga CSW xagiisa iga siinayso, hana igu badin- axaadiistii wuu hayaa oo isaguba waa asxaabi, laakiin way ka cilmi badan tahay, waxay ugu soo jawaabtay Caa’isha RC, salaam ka dib, Nebiga CSW waxan ka maqlay ‘Qofkii Ilaahay raaligeliya, isagoo dadkaba ka cadhaysiinaya, Ilaahay baa kaga filaada dadka. Qofkii Ilaahay ka cadhaysiiya isagoo dadka raaligelinayana, Ilaahay dadka yuu ku salidaa, oo jar ayey kala dhacaan.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in gaaladii markii ay mari waayeen, itaal ay ku joojiyaan waayeen dacwadii iyo hanuunkii rasuulka CSW ayey adeerkii u soo direen, oo ku yidhi tolkaa way kaa cawdeen ee maad inyar ka dhintid. Nebigu intuu si adag ula hadlay adeerkii oo u ka xishoon jiray oo la safnaa ayuu yidhi, ‘Adeer walaahi hadday cadceeda soo dhigaan gacantayda midig, dayaxana gacantayda bidix kam tasaanulayo hanuunka aan waddo, ee waxay doonaan ha sameeyaan. Adeerkii markuu arkay go’aanka Nebiga CSW iyo hadalkiisa cad ayuu yidhi, haddaba saacadaa laga bilaabo adigaan kula safanahee, hawshaada waddo. Mabda’iisii adkaa ayuu ku ixtiraamay, gaaladu markay arkaan dadka inay ku adagyihiin hadafkooda oo aanay ka tanaasulayn way ku ixtiraamaan.
Sidoo kale asxaabtii rasuulku waxay ahaayeen rag ku garan istaagay maalmahaa adkaa rasuulka CSW, Sacad bin abii waqaas ayey sidaa oo kale gaaladii markii ay marri-waayeen inuu islaamnimada ka noqdo hooyadii ku soo kiciyeen, oo ku tidhi hooyo waxba ma cunnayo hadaanad ka noqon diinta, oo cuntadii ay ka soontay, inamadii kale ayaa sharaab ku qulaamiya si jidiinka loogu ilaaliyo, Sacad markuu arkay inay ka sii darayso ayuu ku yidhi, ‘Hooyo naf keliya ayaad leedahee, hadaad yeelato boqol nafood oo marba mid kaa sii baxdo, annigu ka tanaasuli mayo diintaydee ama wax iska cun ama iska dhimo?, markaa ayey tidhi hooyadii ‘Caaqyahow xumi inaad caasi ku tahay waalidkaa carab ha ku maqasho, annigu wax iska cunee, oo cuntadeedii iska bilowday.’ Ilaahay baa aayado quraanka ku sheegay “Hadii labada waalid kugula dagaalamaan inaan anniga (Ilaahay) I caasidid ha adeecin.
Sheekh Maxamed Dirid ayaa sheegay in saxaabi la odhan jiray Xaatid inbu abii baltaca oo isaguna ka mid ahaa saxaabadii dagaalkii Beder galay ee fadliga badnaa, laakiin ubadka, maalka iyo ooryahu waa ibtilee oo ka joogay Maka ayuu isyidhi kuwa aintii la dhibi lahaa, ayuu isyidhi bal inyar oo sir ah Nebiga CSW iyo asxaabta ka sheeg oo Gaalada ku raaligeli, oo sirtaasi abaal ha kuu noqoto ubadka iyo oorida iyo xoolaha laguugu ilaaliyo, markuu gaal raaligeliyey, Ilaahayna ka cadhaysiiyey, suurad dhan baa soo degtay, ceebtuu ku dhacay sawiraysa bilow ilaa dhamaad ka hadlaysa, suuratl Mumtaxina oo alwalaa iyo walbaraa ka hadlaysa, oo ceebtuu ninkaasi ku dhacay sawiraysa, laakiin xaatib waxuu isku badbaadiyey markuu nebigu CSW oo helay warqadii sirta ahayd u yeedhay ayuu yidhi, ‘Arrintani munaafaqnimo igama aha, imaankayguna waa sidiisii, laakiin itaal daro ayaa xaga ehelka iiga haysatay, markaa intaa inaan gaalada ku raaligeliyo ayaan doonaye, immikana waan toobad keenay.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nebigu CSW ku tarbiyadeeyey saxaabadii raaligelinta ilaahay, xitaa hadii dadkoo dhami kuugu cadhoodaan, isla markaana ereyga xaqa oo masuulka hortiisa laga cadeeyo, lagu qanciyo oo lagu joojiyo, waa jihaadka weyn, ayuu Nebigu CSW sheegay. Salafkeenii horena sidaa ayey dadka madaxda ugu caddeyn jireen ereyga xaq ah, haba xanaaqo haduu doonee, saxaabiga la odhan jiray Cumar inu Hubayra, oo Yasiid binu Mucaawiya u qaabilsanaa Ciraaq, Yasiid amaro adag oo culimadii Ciraaq ka cawdeen ayuu soo bixiyey, Cumar ibnu Hubayra culimadii ayuu u yeedhay, ka mid ahaayeen Xasanul-basri iyo imaamu-shacbi, kuna yidhi Madaxweynahii Yasiid binu Mucaawiya amaradan ayuu soo bixiyey, gefna culimmadu ku sheegtay miyaan fulinaa mise waan iska deynaa? Imaamu-shacbi hadalo yara debecsan ayuu sheegay, Xasanul-basrina wuu yara aamusay, oo ahaa nin cilmi iyo cibaado lagu yaqaanay, ka dib waxuu yidhi Xasannow bal aduguna hadal! Waano adag ayuu jeediyey xasanul-basni waxy yidhi, ‘Cumarow-Ilaahay ka cabso oo Yasiid haka cabsan, ogowna in Ilaahay kaa celin karo Yasiid, laakiin, aanu Yasiid Ilaahay kaa celin karin, ogowna ciduu doono ha ahaadee iyadoo Ilaahay la caasiyayo, makhluuq lama adeeco. Wuu ooyey Yasiid, ilaa ilmadiisii gadhkisii qoysay, wuu karaameeyey Xasanul-basri, oo amba bixiyey, laakiin, ninkii hadalkiisu u yara dabacsanaa lamuu hadlin e eImaamul-shacbi. Markii ay dadkii ku noqdeen ee la yidhi warama ayuu Imaamul-shacbi yidhi, ninkaa Xasanul-basri waxuu ku hadlay ereyo uu Ilaahay ku raaligelinayo oo u ka badheedhay, anniguna waxaan garanayey, oo isaguba uu sheegay waan odhan kari waayey.
Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in wakhtigan aynu joogo iyagoo eegaya masaaliixdooda in madaxdii islaamka waxa ku adkaatay inay runta u sheegaan gaalada, oo rabitaankooda diiniga hirgeliyaan. Dadka qaarkood waxa ku adag in sheekooyinka qabaa’ilkoodu leeyahay ee faasidka ah joojiyaan, dadka qaar waxa ku adkaaday cid ay u shaqeeyaan ama shuraakada la yidhiin waxa ay wadaan ee sharciga khilaafsan inay joojiyaan, oo ka badheedhaan, qaarkood waxa ku adag inay waalidka runta u sheegaan, qaarkoodna xaasaskooda, ama gabadha inay ninkeeda runta u sheegto, waxaynu uga jeedaa marxalado xasaasiya ayaa jira oo dadka Ilaahay la weydaariyo, dadkuna raaligeliyaan dadka wata, marxalada dhalashada, dhaqashada iyo dhimashada, dadka waa laga faa’iidaystaa, oo khuraafaad ayaa la geliyaa, markaa waxa muhiim ah in ilaahay la raaligeliyo, hadday sharci tahay, hadday mucaamilo dadka lala dhaqmayo tahay, haa dadka waa lala dhaqmayaa, laakiin waxii sharcigu saamaxo, waxii sharciga diintu diido maya.