|

Madaxdhaqameedka Buuhoodle Oo Ku Hanjabay In Iy Somaliand Ku Biiri Doonaan Hadii Ay Xukuumada Cusub Ee Somaliya ay Ka Waayaan Wasiirda Cusub.

Muqdisho Nov 02/12( SDN)Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada Beesha Dhul bahante ee degta Gobolada Sool, Sanaaag iyo Ceyn ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka ku aadan in Beeshaasi aysan xaq u laheyn in ay kamid noqoto Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya.

Ka dib kulamo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo deegaanada Khaatumo ayaa odayaasha dhaqanka ee Deegaanadaasi iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ugu jira waxa ay ugu baaqeyn Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaare saacid in xaqa Beeshaasi aan la duudsin.

Mid kamid ah Odayaasha beeshaasi oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in deegaanada Khaatumo ku biirayaan Somalialnd hadii Dowlada Cusubi ay xaqooda duudsiiso mudnaana ka waayaan Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya.

Xukuumada Cusub oo la saadaalinayo in ay noqon doonaan ilaa 9- ama 10Wasaaradood ayaa beesha Daarood waxa ay saami ahaan ugu soo hagaagi doona labo Wasaaradood waxaana loo kala qeybiyay labadaasi Wasaaradood Majeerteen iyo Ogaadeen.

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho waxaa kasocda abaabulo ay wadaan Xildhibaano tiro badan oo kasoo kala jeedo beelo kala gadisan kuwaa oo u muuqda in beelahooda aysan wax ku yeelan doonin Golaha Wasiirada hadii lagu soo kobo ilaa 9-Wasaaradood ayna qorsheenayaan in Golahan Wasiirada ay codka Kalsoonida ku ridayaan dibna u celiyaan.

Lama oga in Baaqyada kasoo baxaya Beelaha Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay qaadan Doonaan Madxaweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha iyo in ay ku adkeesan doonaan in Golaha Wasiirada lagu soo kobo 9-ilaa 10-Wasaaradood.

Qurbojoog.com  Muqdisho

Comments are closed