|

Madaxdhaqameedka Awdal oo ka horyimi heshiiska Badda

Lug-haya March 01, 2024 (QJ) -Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, gaar ahaan kuwa degan magaalada Lug-haya, ayaa isu-soo-baxay si ay isula jaan-qaadaan dedaallada ilaalinta xeebahooda ee ka dhanka ah damaca Itoobiya ee dhulkooda.

Madax dhaqameedkan ayaa ku nuuxnuuxsaday waajibka muqadaska ah ee ah difaaca iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha hidaha iyo dhaqanka ee gobolkan ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca xuduudaha badda Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiday ujeedooyinka xun ee Itoobiya.

Hadalkan ka soo yeedhay madax dhaqameedka ayaa daba socda shir balaadhan oo ka dhacay xeebta Lug-haya oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida madax dhaqameed, ganacsato, aqoonyahano, haween, dhalinyaro, iyo odayaal kale.

Comments are closed