Madaxdhaqameed lagu dilay Dhadhaab
Dhadhaab December 15, 2023 (QJ)-Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku sugnaa meel ku dhow xerada Dhadhaab lagu weeraray, waxaana weerarkan geystay dad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo uu ku jiray Ugaas Amiin Xasan Samatar, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale.
Dadka dhaawaca ah ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaalka magaalada Mandheera si loogu daweeyo. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada booliska degmada Mandheera ay wadaan baaritaanno ay ku baadigoobayaan xiriirka ka dhaxeeya weerarka iyo dhaq dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab oo la og yahay in ay dagaalo joogto ah kula jiraan ciidamada ammaanka Kenya.