|

Madaxda Xisbiyada Somaliland oo Cadeeyay inay Garab taagan Yihiin Beesha Biiya-maal ee Direed DAAWO

Nairobi 25.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyayasha Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa intii ay Ku Sugnaayeen  Magaalada Nairobi ayaa tageero u muujiyay Beesha Biiya-maal oo dirir ay Xukuumada Federaalku ku hayso taas oo looga danleeyahay sida ay Yidhaahdeen in  dhulka Biimaal looga qaado.

Hadaba Madal kulmisay badi bulshada Nairobi ku dhaqan ee ka soo jeeda Beesha Dir ayaa lagaga hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii loo garab istaagi lahaa beesha Biimal .Gudoomiyayasha Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa sheegay inay Dhexdhexaadin ka gali doonan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkan oo Hore Looga Baahiyay Tvga Hctv oo gudoomiyaasha Saddexda Xisbi Taageero ugu muujinayeen Beesha biyo Maal oo Dagaal ku socdo.

Comments are closed