|

Madaxda Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Ucid Oo Maanta Ka Hadlay Xaaladda Uu Haatan Dalku Ku Suganyahay,Doorashooyinka Soo Socda,Xaaladda Gobolada Bari Iyo Xoriyadda Saxaafadda

uuuuHargaysa: 15,June,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Macaaradka ah ee Ucid,ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay ku Qabteen Xaruntooda Guud ee Magaalada Hargaysa,waxay kaga hadleen Arimo door ah sida: Cabudhinta Saxaafadda Somaliland,Qabyaaladda,Arinta Doorashooyinka Dalka ku soo food leh,Khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo Arimo kale.

Ugu horayn waxa Shirkaa Jiraa’id ka hadlay Musharaxa Jagada Madaxtinmo ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid,oo si  Kulul  u dhaliiyay Odayaasha Maalmahan danbe Af-ka reeraha ku hadlaya ee Sheegaya inay taageersan yihiin Musharaxnimda Madaxweyne Siilanyo iyo Xukuumada Daladda Dalka Haysa.waxaana uu Nasiib-daro ku tilmaamay In Maanta Dadkii Dhaqanka ahaa ee Umada ay ayhad inay dhex u noqdaan ay sheegayaan inay Garabyo iyo dad gaar ah ay Taageeero u Muujinayaan,taaso oo ka baxsan Milgaha Suldaanimo,isaga oo hoosta ka Xariiqay inay jiraan dad aan Suldaan iyo Caaqiltoona ahayn oo hadana sheegayana inay dad Magacooda ku hadlayaan.

Waxa kale oo uu Nasiib-daro ku tilmaamay inay Maanta Xukuumadda haatan Gadh-wadeenka ahi ay si aan kala sooc lahayn uga caga-juglaysay  Saxaafadii dalka,oo ay qaar-na ay Laaluushtay,qaarna ay Xidh-xidhay.

Waxa isagguna halkaasi ka hadlay  Cali Guray,oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Xisbiga Ucid,oo si badheedh ah u sheegay in aanu Madaxweyne Siilanyo aanu dalka ka talin,oo ay meesha ku wareegsanyihiin Dalada dalka ay qabsadeen dad uu ku tilmaamay inay casabiyad uu Siilanyo Adeer iyo Sodog u yahay.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay dadka Tv-yada soo fadhiisanaya eel eh Xukuumadaanu Taageersanyahay aanay Matalin,oo aanay ahayn dad Magcooda ku hadli kara.

Waxa kale oo uu Cali Guray,si Kulul u Weeraray Golaha Wakiiladda Somaliland,oo ku Tilmaamay inay yihiin dad Dhiig miirato ah.

Mar uu ka hadlayay dhinaca Doorashooyinka waxay sheegeen in Hadii laba Doorasho mid lasoo Hor marinayo ay mudan tahay in ta Baarlaanka lasoo Horumariyo.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed