|

Madaxda Wasaaradda Beeraha Somaliland & Hay’ado la Shaqeeya oo soo Kormeeray 8 Iskaashato Beereed iyo Arrimo ay kala hadleen

Gebilay 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wafti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland Eng; c/laahi Ismaaciil Faarax, ayaa kormeer shaqo ku tagay degaano beereedyo ka tirsan gobalka Gabiley, ujeedada kormeer wafdiga ayaa la xidhiidhay u kuurgalida iyo xogogaal u noqoshada shaqada 8 iskaashato beereed oo ay si wadajira iska kaashadeen  maalgalinteeda wasaarada beeraha Somaliland iyo hayada Concern World Wide.

agaasimaha guud ee wasaarada beerahaAgaasimahaguud ee wasaarada beeraha Somaliland Eng; C/laahi Ismaaciil Faarax, masuuliyiin ka tirsan hayada Concern World Wide, isuduwaha wasaarada beeraha gobalka Gabiley iyo xubno iskaashatooyin beeraleyda ayaa kulan hadhimo sharafeeda ku yeeshay degaan beereerka Ilkawayne ee gobalka Gabiley. Halkaasi oo ay isku xogwareysteen wafiga iyo beeraleydu.

Masuuliyiinta hayada Concern World Wide, ayaa beeralayda ku guubaabiyay inay ku dabaqaan aqoontii ay ka korodhsadeen tababaradii ay siisay kana faa’iideystaan xili roobaadka.

Isuduwaha wasaarada beeraha ee gobalka Gabiley Dr; C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe, oo kulankaasi kala hadalay dadka beeralayda ah ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadalo isku jira dhiirigalin iyo soo dhaweyn, waxaana uu xusay in beeralaydu xoogooda mideeyan oo ay u midoobaan qaab iskaashato isla markaana ay soo nooleyaan habkii loo yiqiinay Guuska oo ah in hadba beer laga shaqeeyo.

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland Eng; C/laahi Ismaaciil Faarax, oo kulan kala hadlay beeralayda Gabiley ayaa ku baraarujiyay inay ka faa’iideystaan xilli roobaadka bilaabmay islamarkaana ayna ku koobin dalagyada ay beeraan galay iyo hadhuudh kaliya ee ay ku daraan Digirta, sisinta iyo geed miroodka kale ee khudraduhu ka midka yihiin kuwaasi oo si sahlan loo beeri karo xilayada roobanku da’ayaan beeralayduna ay ka helaan lacag cadaan ah oo ay nolol maal-meedkooda ku kabana. Agaasimahaguud ee wasaarada beeraha Somaliland waxaa uu intaasi kudaray in wasaarada beeraha Somaliland ay dhiirigalinayso habka iskaashatooyinka beeralayda islamarkaan wasaarada beeraha u samaysay xafiis u gaara iskaashatooyinka beeralayda kaasi oo mudnaanta sin doona baahiyahooda dhina beeraha.

Gebilay SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed