Madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo Ardayda Dugsiyada oo Hawl gal Nadaafadeed ka fuliyay Wasaarada Waxbarashada ilaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa
Hargaysa 16.May (SDN) Wasiirka wasaarada Waxbarashada Marwo ZamZam Cabdui Aadan oo ay weheliyaan Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaarada, Ardayda iyo Macalimiinta Dugsiyada Caasimada Hargeysa qaarkood ayaa maanta Olole Nadaafadeed ka fuliyay inta u dhaxaysa Wasaaradda Wax-barashada ilaa iyo isbitaalka Guud ee Hargeysa ,munaasibadda sideed iyo tobanka May ee inagu soo aadan awgeed.
Wasiirka wasaarda waxbrashada Marwo ZamZam Cabdsi Aadan oo ka hadashay Ololahaasi Nadaafadeed ee ay maanta qaaday wasaaradda waxbarashadu waxay sheegtay, in bahda waxbarashada Guud ay ka qayb qaadanayaan,waxa ay sheegtay in Dugsiyada 26Juun,Faarax Oomaar iyo Xarunta wasaarada waxbarashada loo qoon-deeyey inay Ololahan nadaafadeed kaga shaqeeyaan inta u dhaxaysa wasaaradda waxbarashada ilaa dhakhtarka weyn . Masuulityiinta iyo Dugsiyada kalena loo qoondeeyey inay ka dugsiyadooda iyo agagaarka ku dhow ay ka shaqeeyaan.
Waxaanay Marwo ZamZam cabdi Aadan intaa raacisay in Guud ahaan wasaaradda waxbarashada iyo Ardaydu ay wada qayb qaadanayaan ololaha nadaafadeed ee wasaarad ahaan ay kaga qayb qaadanayaan u diyaar garowga Munaasibadda Maalinta Qaranimada ee sideed iyo tobanka May.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com