Madaxda Sideeda dal ee Muslimka ugu dhaqaalaha roon ooBakistaan ku kulmaya
Islamabad Nov 22,2012(SDN)-Hogaamiyeyaasha Sideed dal ooMuslim ah oo dhaqaalahoodu kobcayo ayaa kulan ku yeelanaya magaalada Islaamad ee dalka Bakistaan si ay uga wada hadlaan iskaashi dhaqaale oo dhexmara.
Dalalkan oo la baxay Developing-8 ama D-8 ayaa waxa ka mida Iran Turkey iyo Masar waxaana shacabkoodu garayaan hal billion oo ruux,dhaqaalahooduna waa hal trillion.
Dadka ka waramaya qodobada looga hadli doono ayaa sheegaya inkasta oo dhaqaaluhu yahay ujjeedka kulanka hadana waxa mowduuca ugu xiisaha badani noqon doonaa colaada Gaza.
Wasiirada arrimaha dibedda ee D-8 ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ugu gogol xaareen shirweynaha madaxada io qodobada looga warami doono.
Bakistaan ayaa hogaanka kala wareegi doonta Nigeria oo mudo laba sano ah hogaanka D-8 soo heysay.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Bakistaan Hina Rabbani Khar oo soo dhaweeyay marti sharafta ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay ururka.
“Ururkan D-8 waa wadamo isu yimi sanadii 1997dii sababtoo ah waxaanu wada jir u aaminsanahay in shacabkeena horukac aanu u horseedno,waxaana isla qabnaa in yididiilo in faaido ku jirto wada shaqeyn na dhexmarta si ummadeena aanu horumar u gaarsiino”ayuu yiri Mr Khar.
SDN-Islamabad
contact@somalidiasporanews.com