|

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo si deg-deg ah Muqdisho uga degaya iyo sababta

Muqdisho. 10 September, 2022. (QJ)- Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb galaya shir ay la yeelanayaan madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo xal loogu raadinayo muran hadheeyay  dowladda dhexe iyo maamulada.

Arinta keentay shirkan degdega ah ayaa ah si xal loogu helo khilaafka maaliyadeed ee dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Lama oga waxa ka soo bixi kara shirkan, iyadoo qodobka ugu adag ee looga doodi doono uu yahay sida loo qeyb sanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali weyn, dowladda ayaa dooneysa iney iyadu  qaadato 60% deeqdaasi, halka maamul.goboleedyadana ay qeyb sadaan 40%.

Balse maamulada ayaa diidan arrintaasi waxeyna dalbanayaan in qeybsiga uu ahaado sidii ay eheyd dowladdii dhexe oo dowladda dhexe ay qaadan jirtay qeyb, qeybta kalena maamulada, waxaana dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku eedeeyeen iney wado sad bursi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub ee Soomaaliya.

Comments are closed