|

Madaxda labada Sudan oo Itoobiya loogu kala dabqaadayo

Adis Ababa Jan 27,2012(qurbejoog.com)-Madaxda labada Sudan ee dhawaanta kala tagay ayaa lagu wada hadal siinayaa magaalada Adis Ababa ka dib muraan lexaad leh oo sababi kara dagaal uu ka dhashay shidaalka laga soo saaro Konfurta oo Woqooyigu dhoofiyo.

Woqooyiga ayaa dhawaan kordhiyay canshuuraha laga qaado dhuumaha badda gaadhsiiya shidaalka Konfurtu dunida u iibgeyso,taas oo ay Konfurtuna uga jawaabtay in ay joojiso ama hoos u dhigto cadaka ay iibgeyso.

Koonkurta Sudan ayaa dhawr maalmood ka hor heshiis Kenya kula gashay in ay dekedeeda Lamu ka dhoofiso shidaalka ay dalkeeda ka soo saarto.

Arintan ayaa ka cadheysiisay Khartoom isla markaana ay ka dhalan kartaa dagaal dib uga soo cusboonaada labada Sudan.

Madaxweyneyaasha labada Sudan Cumar Al Bashir iyo Salva Kiir ayaa waxa Adis ku dhexdhexaadinaya madaxda dalalka Somalia Kenya Jabuuti iyo Itoobiya.

 

Qurbejoog-Adis Ababa

coontact@somalidiasporanews.com

Comments are closed