|

Madaxada New York oo canbaareeyay Weerar Masjid

New York Jan 03,2012,(qurbejoog.com)-Weerar dhawaan lagu qaaday Masajid ku yaal magaalada New York ayaa waxa dhaleeceeyay madaxda magaaladaas.

Imam Al-Khoei Foundation  oo ku yaal xaafada Queens ayaa saqafka sare wax noqday ka dib kolkii lagu tuuray walxaha qarxa.

Duqa magaalada New York ayaa sheegay in tilaabadaas lagu weeraray Masjidka ay aheyd mid fuleynimo ku dheehneyd.

“Falkaasi waa mid lidi ku ah waxa magaaladeenu u taagan tahay,waana u taaganahay in aanu wada jir u dhisno.” ayuu yidhi Mr Bloomberg.

Weerarada lagu qaado Masjidada ayaa ku soo badanaya magaalooyinka Woqooyiga America.

Iyada oo hore loo weeraray Masjido ku yaal Mareykanka iyo Canadaba.

 

Qurbejoog-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed