Madaxa Darbi-jiifka Al-Mustaqbal Oo Munaasibadda Ciidul-fidriga Awgeed Farriin U Dirtay Shucuubta Reer Somaliland
Hargeysa:11-Oct-2013(SDN)-Madaxa Derbi-jiifa Musaqbal oo ku taalla Degmada Maxamed Moog Hooyo Luul Xasan ayaa shacabka reer Somaliland ugu Baaqday inay gacan ka geystaan sidii ay ubadka yar yar xarunta lagu xannaaneeyo looga farxin lahaa ayaamaha ciidda.
Maamo Luul Xasan oo gacanta ku haysa tiro ku dhaw 300 oo carruur derji-joof ah, ayaa shacabka ka codsatay inay u gurmadaan sidii carruurta yar yar loo ciidsiin lahaa, islamarkaana ayaamaha ciidda ay ula wadaagi lahaayeen ubadka kale ee waalidkooda la nool,
Maamo luul, ayaa bulshada reer Somaliland ee khayrka jecel gaar ahaan ganacsatada ugu baaqday inay il gaar ah ku eegaan ubadka yar yar ee aan cidna haysanin, “waxan ugu baaqayaa dhammaan shacabka reer Somaliland ee ku nool dalka Dibaddiisa iyo Gudihiisaba inay gacan ka gaystaan sidii ubadkaaa yar yar aan cidna haysanin ay uga caawin lahaayeen inay maalmaha ciidda farxaan oo ubadka kale ee waalidka haysta farxadda la qaybsadaan, waxana aan idiin sheegayaa inaad ayaamaha khayrka leh ubadkaa yar yar ka faa’iidaysataan, maadaama aanay cidina u maqnayn.” Ayey tidhi maamo Luul Xasan Mataan oo shacabka baaq u diraysay.
Hooyo Luul waxa ay bulshada ugu baaqday inay gacmaha isku qabsadaan sidii ubadkaa yar yar loo dabooli lahaa Baahiyaha ay qabaan ayaamaha ciidda, waxana ay ku dhiirrigelisay umadda gacanta wax ku haysa inay sadaqo la baxaan oo farxadda ubadkaas xil iska saaraan.
Ubadka yar yar yare e ay gacanta ku haso Hooyo Luul, ayaan inta badan helin wax caawimo ah oo ka timaadda dhinaca dawladda, waxana inta badan noloshooda la butuqsata Hooyo Luul oo muddo dheer gacanta ku soo haysay, waxana ay Goobta ay ku xannaanayso ku helaan waxbarasho iyo nolol kale oo ka wanaagsan middii ay jiri jireen, waxase ay baahan yihiin gacan dhaafsiisan midda ay haatan haystaan, iyadoo shucuubta reer Somaliland uu waajib ka saaran yahay inay Ubadkaas il naxariis leh ku eegaan.
Ubadkan ayaa haatan qaba Baahi ka weyn middii ay hore u qabeen, waxana ay haatan baahi weyn u qabaan inay helaan dharkii ay xidhan lahaayeen ayaamaha ciidda oo foodda inagu soo haya, waxana taas dhamaystirkeeda looga fadhiyaa reer Somaliland, gaar ahaan inta gacanta wax ku haysa ee khayrka iyo wanaaga jecel.
S.D.N
Contac@somalidiasporanews.com