|

Madaxa AMISOM Ee Deegaanka Hesingow Oo Lagu Eedeeyey Inuu Siyaasad Faraha La Galay

Hisinkow:May,23,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha degmada Hosingow  ee Gobolka Jubbada Hoose  C/Xakiin Maxamed Maxamuud, ayaa  Eedo kulul oo la xidhiidha dhinaca siyaasadda u jeediyey Madaxa ugu sarreeya Ciidadamada AMISOM eek u sugan deegaankaas.

misiGuddoomiyaha ayaa Sarkaal ku tilmaamay mid carqalado siyaasadeed ka dhe wada dadka deegaanka ku dhaqan, isagoo u soo jeediyey inuu wax ka beddelo dhaqankaas uu ku arkay.

Gudoomiyaha oo  warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in sarkaalka ugu sareeya ciidamada Kenya ee ku sugan deegaankaasi uu sameeyay qorshe uu maamul kale ugu sameynayo Hosingow, taasi oo dhalisay in laba maamul deegaanka uu yeesho.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay ku jahwareersan yihiin maamulada kala duwan ee laga dhisay deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Dhanka kale wuxuu ku baaqay in taliska ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay wax ka qabtaan arintaasi oo uu sheegay inay horseedi karto xaalado dhanka amaanka ah oo ka dhaca deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ee gobolada Jubbooyinka taasi oo ku aadan inay carqalad dhanka siyaasada ay ka abuureen degaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan saraakiisha AMISOM ee Somalia ku sugan, ayaa abuura ama sameeyo maamullo gaar ah oo iyaga taabacsan, si ay danahooda ugu fuliyaan, waxana arrintan loo arkaa inay middaas ka qayb tahay.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed