Madaxa Al Qaacida oo ku booriyay kooxda Al Shabaab in ay dagaalka aaney ka joojin ciidamada Kiinya
Dubai Nov 07,20112(SDN)-Hogaamiyaha Al Qaacida Ayman Al Sawahiri ayaa fariin muqaal ah oo uu soo diray waxa uu uga hadlay la wareegidii ciidamada Kiinya ee ka mida kuwa AMISOM ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo.
Al Sawahiri ayaa sheegay in Shabaabka iyo Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in la dagaalamaan ciidamada gaalada ah ee soo duulay.
“kula dagaalama gaalada degaan walba,isku miidaaiya oo ku dhufta oo ka dhaqaaqa gaalada soo duushay”.ayuu yiri Sawahiri.
Al Sawahiri oo ka hadlayay waxa uu ugu yeeray dagaalka u dhexeeyay gaalada iyo muslimka ayaa waxa uu sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa looga guuleystay dagaaladii ay la galeen muslimiinta.
“Waxa xulufada Mareykanka looga guuleystay Afgaanistaan oo ay ka baxayaan iraaq,Libiya waxa calankooda hoos loo dhigay Masar iyo Yaman”.ayuu yiri Ayman.
Soomaalida ayuu ku booriyay in ay gacan siiyaan kooxda Al Shabaab si Kiinyaatiga Kismaayo looga saaro.
Kooxda Al Shabaab ayaa gebi magaalooyinkii waaweynaa ee ay ka arriminayeen laga saaray,waxana ugu danbeeyay Kismaayo.
SDN-Dubai
contact@somalidiasporanews.com