Madax ka Tirsan Xisbiga Ucid oo si adag uga Gilgishay Hadal ka soo Yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN)- Masuuliyiin ka tirsan xisbiga caddaaladdda iyo daryeelka ee ucid ayaa iska difaacay eedo uu af-hayeenka Madaxtooyda Somaliland Shalay Warbaahinta u Mariyay Madaxda xisbiga Ucid isagoo Si gaar ah u Bartilmaameedsaday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Ku Xigeenkiisa 3aad Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, waxana ay, af-yaheenka xasuusiyeen inuu u meel dayo waxyaabaha afkiisa ka soo baxaya oo uu marwalba maanka ku hayo inuu ku hadlayo afka ciddii dalkan taladiisa haysay Indhaha ka Lalinaya.
Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Xoghayaha warfaafinta xisbigaas Yuusuf Kayse cabdilaahi, waxana uu tilmaamay, in xukuumadda looga baahan yahay fiiro gaar ah oo la xidhiidha hadalada warbaahinta la marinayo.
waxa kale oo halkaas ka hadlay Xoghayihii guud ee hore ee xisbigaas Maxamuud cali madoobe(jiir), waxna uu ku eedeeyey af-hayeenka madaxtooyada inuu ka mid yahay kooxo isku bahaystay sidii ay u minjo xaabin lahaayeen shirka beesha sacad muuse ee deegaanka agabar.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid, iyo ayaa Sheegay in Afhayeenka Madaxtooyada ee Somaliland uu yahay Shakhsi Qardo jeex ku jira isla markaana waxay xuseen in aflagaado cad uu u gaystay Hogaanka Xisbigooda .
Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysto hadalka Madaxda Ucid
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/JawaabtiiUcid28.mp3″]
Hargaysa SDN.
contact@somalidiasporanews.com