Madax Dhaqameedyada Gobolka Hargeysa Iyo Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasada Oo Kulan Ku Yeeshay Hotel Maansoor
Hargeysa 22-11-2012 (SDN) Gudida diiwaan gelinta Ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa maanta shir wacyi gelin nabadeed ah kula yeeshay Huteelka Maansoor qaar ka mid ah salaadiinta gobolka Hargeysa, kuwaasi oo ay ka wada hadleen nabad-gelyadda dalka loo ilaalin lahaa xiliga natiijada doorashada ka dib.
Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta iyo ansixinta axsaabta C/Risaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle) oo shirkaasi ka dib saxaafadda uga waramay qodobadii ay ka wada hadleen salaadiinta, waxa uu yidhi “Salaadiintii Hargeysa qeyb ka mid ah ayaanu u sharaxaynay qaabka look ala saarayo ururadda siyaasadda ee tartamaysa si hadhow madal iyo markhaati u yeelato arrintu. Markaa waxaanu kala hadlaynay salaadiinta sidii ay dadweynaha Nabadgelyadda ugu sii wacyi gelin lahaayeen.”
Gudoomiyaha Gudida diiwaan gelintu waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qodobo uu sheegay in hadhow muran ka dhalan karo haddii aanay murashaxiinta iyo dadweynuhu sii fahmin, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Horta waxa tartamaya ee kala hadhayaa Ururadda iyo xisbiyadda, ashkhaas tartamaysa oo kala adkaanaysaa ma jirto. Nidaamka lagu kala helayaa waana kii saamigii boqolayda ahaa. Haddii aan tafaasiil ka bixiyo masalan Hargeysa ay ka codayso 200 oo kun oo qof oo waxa loo taramayaana yahay 25 Kursi.
Markaa waxa la isu qeybinayaa 200 ee kun ee qof ee ka codaysay Hargeysa iyo 25-kii kursi ee loo taramayay. Markaa masalan qiimaha kursigu wuxuu noqonayaa 8 kun oo cod. 8000 in qof gaadho ma aha daruuri. Haddii qof gaadho xisbigii/ururkii wuu helayba.”
“Tusaale ahaan Ururkii/xisbigii hela 40 kun oo cod, waxa tirada codadka uu helay loo qeybinayaa qiimihii kursiga ee 8000 ahaa. Markaa ururkaasi ama xisbigaasi wuxuu helayaa 5 kursi,”ayuu yidhi Md. C/Risaaq Ciyaalle.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa dhici doonta oo hadhow muran keeni doonta haddii aan la fahmin dhici doonta haddii urur helo kursi qudha oo ninka ugu sareeyaana 700 oo cod yahay oo 25-kii murashax ee ururkaasi ama xisbigaasi ku shuraakoobay ay sidaasi ku buuxiyaan 8000. Ururkaasi markaa waxa uu siin doonaa kursigaasi kii ugu sareeyay.”
“Markaa ma jiro qof xisbi ama urur ka tartamay oo dhacay iyo mid faa’isay, waxa tartamaya ururo iyo asxaab oo codka saamiga ah ku kala helaya kuraasidda. Mana jirto sida dadku qabo in 25 qof ee Hargeysa ugu codka badani inay soo baxayaan,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Gudida diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansxinta axsaabta qaranka
www.Qurbejoog.com Hargeisa