Madax Dhaqameedka Iyo Odoyaasha Deegaankii Ay Ku Muransanayeen Golayaasha Deegaanada Hargeysa Iyo Salaxlay Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Maamul Ahaan Hoos Tagayaan Caasimada Hargeysa.
Hargeysa 27/8/2014 (SDN/QJ):-odoyaasha iyo madax dhaqameedka deegaanka Koonfureed ee madaarka caasimada Hargeysa ayaa maanta iskugu yimid shir ay kaga hadlayaan cida ay maamul ahaan hoos tagayaan degmooyinka Hargeysa iyo Salaxlay.
Shirkan aoo ay iskugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka iyo caaqiladda deegaanka koonfurta madaarka Hargeysa ayaa sheegay in khilaafka caasimadda iyo degmadda Sallaxley ka jira ee ay isku haystaann cida ay maamul ahaan hoos tagayaan ay keentay inay waayaan adeegyada aas aasiga ah ee ay ka helayeen dawlada dhexe, waxaanay tilmaameen inay waligoodba hoos tagi jireen maamulka caasimada Hargeysa, waxaanay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa ka codsadeen inay deegaankooda ka hir geliso mashaariic horu marineed sida
Odoyaashan oo markii kulankoodu dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay doonayana inay maaamul ahaan hoos tagaan degmada Hargeysa oo ay sheegeen inay u dhaw dahay isla markaana ay ka helayaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Caaqil Maxamed Weere Cismaan oo ka mid ah cuqaasha maanta shirka iskugu timid ayaa ka hadlay go,aanka ay gaadheen waxaanu sheegay inay maamul ahaan raaceen caasimada Hargeysa isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay cuqaasha waxaanu nahay hay’ad nabad galyo, beeshan aanu cuqaasha nahayna waa beel taalay deegaanka mudo badan dawlado badana way ku soo mareen, waligeedna waxa laga xukumi jiray caasimada Hargeysa, waxaanay lahayd xad u gaar ah waxaana u xad ahayd meesha la yidhaahdo mitirka, wax murmaya iyo cid is haysata midna muu jiri jirin, dadka deegaankan degana wax loo qabtay may jirin, dhibaatooyin badana way haystaan, dadka deegaanka dagana waligood waxa laga xukumi jiray Hargeysa bari dhawayd ayuunbaa la yidhi salaxlay ayaa laydinka xukumaa, shirka ujeedada aanu u qabanayna waxa weeyaan in dadka deegaankan lagu soo celiyo meesha laga xukumi jiray, waxna loo qabto oo mashaariic badan laga hir galiyo.” Ayuu yidhi Caaqil Maxamed Weere Cismaan
Sidoo kale Caaqil Cumar Biixi oo isaguna ka hadlay shirka ay iskugu yimaadeen ayaa waxa uu sheegay inay go,aan ku gaadheen cida ay maamul ahaan hoos tagayaan waxaanu yidhi “ waxa isku kaaya haystay maamulada Hargeysa iyo Salaxlay dhibaatooyin badan oo dhaqaale burbur iyo rabshad keenay oo dhamaan waayey darteed waxaanu go,aansanay inaanu raacno caasimada Hargeysa iyada oo aanay labada maamul midna waxba noo qaban oo aanu godoon nahay, Salaxlayna way naga fogtahay oo haddii aanu wax isku qabsano dacwadayadu ma tagi karto 50km, sidaas darteed markii aanu tashanay waxaanu go,aansanay inaan laysku kaaya haysan ee aanu raacno caasimada Hargeysa.”
Sidoo kale waxa ka hadlay Caaqil Cabdiqaadir Jaamac Cawaale oo isaguna ka hadlay shirka ay maanta yeesheen ayaa waxa uu sheegay in dadka deegaankan dagani ay haystaan dhibaatooyin badan isla markaana loo baahan yahay inay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo dawlada dhexeba ay wax ka qabtaan waxaanu yidhi “dadka deegaankan daga oo meelo kala duwan ka yimid anaguna aanu caaqilo u nahay ayaa noo yeedhay, wixii ay noogu yeedheena iyaga ayaa ka cawday, nabad galyaduna inaguma noola ee inaga ayaa ku nool, nabad galyada in la ilaaliyo oo aanay cidina cid dhib u gaysan ayaa qurux badan, dadkuna wax badan ayey u baahan yihiin oo wax mashaariic ah oo loo qabto may jirin, waxaanu leenahay qorshaha caasimadu afarta dhinacba magaaladu wuu u socdaa, meesha uu horu marku u sii socdo ayaanu la jaan qaadaynaa.” Ayuu yidhi caaqil Cabdiqaadir.
Si kastaba ha ahaatee, intii shirkaasi socday waxa goobta yimid maayarka Salexley iyo xildhibaano ka tirsan deegaanka Sallaxley oo isku dayey inay baajiyaan shirkaasi, haseyeeshee waxa ganafka ku dhuftay odayaasha deegaanka waxaanay sheegeen in aan dushooda la isku qabsan Karin, isla markaana ay cadaynayaan inay maamul ahaan hoos imanayaan dawladda hoose ee Hargeysa.
Hargeisa DSN/QJ
Maxamed Aadan@qurbe jog.com
Concat@somalidiasporanews.com