Madax-dhaqameedka Awdal Oo U Hal-celiyey Dhigooda Hargeysa Oo Muran Dhul Ka Dhaxeeyo
Borama Sept 26,2012(SDN/Hubaal)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Maxamed Case (Samaroon) oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Borama ayaa jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex (Sacad Muuse), kaasi oo ka dhashay muran dhuleed oo ka taagan Waqooyiga gobolka Hargeysa.
Madax-dhaqameedkan ayaa ku dooday in dhulka lagu muransan yahay ee Waqooyiga gobolka Maroodi-jeex uu ka mid yahay gobolka Awdal isla-markaana intii ka horeysay lixdankii laga xukumi jiray degmada Saylac ee hadda ah xarunta gobolka Salal, intii wakhtigaasi ka dambaysayna uu ka mid ahaa gobolka Awdal.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo ka mid ah Madax-dhaqameedka shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Dhulka raggaasi ay ku andacoonayaan maaha dhul ay arkeen, lixdanka ay sheegayaana wuxuu ka tirsanaa gobolka Awdal, dhulkaasi 1960-kii waxa laga xukumi jiray Saylac, intii ka dambeysayna waxa ay ahaayeen deegaanka Awdal”.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, waxa uu difaacay eedaymo Madax-dhaqameedka ay u jawaabeen u jeediyeen Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay inuu ka xun yihiin eedaha loo jeediyay masuuliyiinta uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenku.
Suldaan Abshir oo ka mid ah Madax-dhaqameedka halkaasi ka hadlay ayaa isaguna ku dooday in deegaanka muranku ka taagan yahay laba jeer laga codeeyay, iyadda oo degmada Lughayaha uu hoos tagayo “Nimankaasi ma istaahilaan in loo jawaabo, laakiinse waxa la yidhi nin kula hadlay kaa hadli-baan ula hadlaynaa, meesha ay ka hadlayaana waxay doorasho ka dhacday laba jeer, mar waxay ahayd 2001-dii, marna 2005-tii, waxaana looga codeeyay dastuurkii Cigaal”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Labadaa jeerba waxa looga codeeyay degmada Lughayaha”.
Suldaan Muuse Dugsiiye (Sanburad) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna eedaymo u jeediyay Madax-dhaqameedkii doraad ka hadlay muranka dhuleed ee Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex “Waxaad ku faantaan anagaa duminay dawladii Soomaali-weyn, maanta waxaad wadaa tana (Somaliland) waan duminayaa, haddaad dumiso adigaa ku dhargey oo anigu waxba kuma hayo”ayuu yidhi.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com