Madax dhaqameed Xukuumada ka dalbaday inay Si dhakhso ah u soo dayso Boqor Raabi Yuusuf C.laahi
Hargaysa 27.Feb (SDN) Shir Jaraa’id Oo ay Cuqasha iyo Salaadiinta Beesha Ciidagale Ku Qabteen Hotel Dalxiis Magaalada Hargeysa ayaa Xukuunada Somaliland ay ugu Baaqeen inay Si Deg dega usii daayaan Boqor Raabi Yusf C/laahi Oo kamida Boqorada Reer Somaliland Oo Dhawaan Kayimid Xamar Kaasoo ay Xukuumada Somaliland dhawaan Xabsiga u taxaabtey
Baaqan Ay Odayaashu U Direen Xukuumada Somaliland Ayay Ku Sheegeen Maadaama Oo Uu Boqorku Yahay Nin Sumcad Iyo Karaamo Ka Mudan Bulsho Weynta Somaliland In Hadi Baashis Ay Tahayna Waajib Qaran Tahay, In Labaadho Qofkiii Ay Kashakiyaan Hase Yeeshee Ay Ka xun Yihiin Xadhiga Lagula Kacay Boqorka Oo Aan Ilaa Iyo Hadda Wax MaxKamada La Hor Gaynin.
Sidoo Kalena Waxay Salaadinta Iyo Cuqaashu Ay Baaq U Direen Xukuumada Somaliland Iyo Cidda Ay Quseyso In Si Deg Deg Ah Boqorka Xoriyadiisa Loogu Soo Celiyo Hadii Ay Wax Dambi Ah Lagu Hayana Sida Ugu Dhaqsaha Badan Lo Horgeeyo Sharciga Iyo Maxakamada Oo Ay Gole Joog U Noqdaan.
Dhinaca Kele Waxa Ay Salaadiintani Sheegeen In Ay Ka Xun Yihiin Wax Ay Ku Tilaameen Xadhiga Macno Darro Ah Oo Ilaa Hadda Boqorku U Xidhan Yahay Baadhis Kaliya, Isla Markaan Ay Ula Dhaqameen Si Ka Baxsan Dadnimada Iyo Sidii Loola Dhaqmi Jira Qof Masuul Ka Ah Qayb Ka Mida Bulshada.
Salaadiinta Iyo Cuqaashan Waxa Ay Hoosta Ka Xariiqeen In Haddi Boqor Raabi C/Laahi Oo Ah Nin Boqor Ah Isla Markaan Aan Ilaa Hadda Laga Qaadin Mansabkii Uu Lahaa Beeshiisa, In Xukuumdu Ay Si Deg Deg Tallaabo Uga Qaaddo Arinta Boqorkaas .
Boqor Raabi ayaa Ciidamada Amaanku waxay ka qabteen Magaalada Hargaysa waxaanay u dhaadhiciyeen Xabsiga dhexe ee Hargaysa ilaa iyo haatana Lama soo Taagin Maxkamad ka garnaqda Denbiga lagu haysto.
Hargaysa SDN.