Madaweyne Geele oo heshiisiinaya jenenda Suudaan ku dagaalamaya
Jabuuti January 01, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada RSF ee dalka Suudaan Maxamed Xamdaan Dagalo. Waxa ay ka wadahadleen sidii nabad looga dhalin lahaa dalka Suudaan oo hadda ay ka socdaan colaado sababay khasaare nafeed oo aad u badan.
Taliye Xamdaan waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu galo wada xaajood bilaa shuruud ah, isaga oo damacsan in xal nabadeed lagu xaliyo qalalaasaha hoggaanka milatariga ah ee ka taagan Suudaan. Wadahadalladan ayaa la doonayaa in lagu gaaro xabbad joojin iyo isfaham lagu dhameynayo colaadda ka taagan Suudaan.
Taliyaha ciidamada milatariga Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu waday in uu Xamdaan kula kulmo khamiistii lasoo dhaafay dalka Jabuuti,balse kulanka ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu awoodi waayay in uu gaaro Jabuuti.