Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka oo Madaxweyne Siilaanyo Qoraal u Gudbiyay
Hargaysa 06.April 2014 (SDN)-Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) saaka u gudbiyey waraaq ay sheegeen in ay talooyin ugu gudbiyeen madaxweynaha.
Masuuliyiinta ku bahoobay Madashawadatisha oo qasriga Madaxtooyada waraaqda geeyey, ayaa kadib markii ay madaxtooyada ka soo baxeen warbaahinta la hadlay, balse ka gaabsaday in faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan nuxurka qoraalka waraaqdoodu xambaarsanayd.
Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Muj. Xasan Guure, ayaa tilmaamay in faahfaahin ay ka bixin doonaan marka ay Madaxweynaha ka helaan jawaab ku saabsan waraaqday u gudbiyeen.
“Sidaad arkayseen waxaannu galnay madaxtooyada, waxaanannu qornay warqad aanu Madaxweynaha u qornay, wixii himilada dagaalka SNM loo galay ahayd, xaalada dalku halkay marayso ee annaga noo muuqda, waxaannu tallo moodnay ayaannu warqada ku qornay, taasna Madaxweynahaannu u dhiibnay, ilaa aanu waraaqdaas jawaabteeda helno wax faahfaahin ah oo aanu ka bixinaynaa ma jirto oo intaas ka bada,” ayuu yidhi Muj. Xasan Guure oo Warbaahinta la hadlay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com