|

Madasha Horumarka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho August 12, 2024(QJ) -Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay shirka Madasha Horumarinta, kaas oo diiradda lagu saarayo abuurista qorshe kobac iyo isbeddel dhaqaale oo uu dalku yeesho kadib deymaha laga cafinayo.

Madashan oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Heritage oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dhaqaale ee dalka iyo istaraatiijiyada horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin doodaha noocaan oo kale ah, isagoo ku nuux-nuux saday in xukuumadda Dan Qaran ay mudnaanta siiso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wuxuu xusay in dakhliga dalka uu kor u kacay 56%, taasina ay muujineyso horumar la taaban karo oo laga gaaray kobaca dakhliga iyo guud ahaan horumarka dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu xusay in deyn cafinta dalka ay ka dhigan tahay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay.

Comments are closed