|

Madal Qaadhaan Loogu Uruurinayay Dhismaha Waddada Oodweyne, Hargaysa iyo Burco oo Hargaysa lagu qabtay,Xukuumada oo laga dalbaday inay Cadayso Dhaqaalaha ay u qoondaysa

Hargaysa 18.June 2014 (SDN/QJ)- Xaflad balladhan oo lacag loogu uruuriyey waddada isku xidhaysa Burco, Oodweyne iyo Hargeysa ayaa Xalay  lagu qabtay hotel KAAH ee magaalada Hargeysa.

photo-41-1024x764Xafladdan oo ay ka soo qayb-galeen wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin dawladda ka tirsan, salaadin, culimo aw diin, aqoonyahanno iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha guddi cusub oo loo sameeyey waddada Burco, Oodweyne–Hargeysa Maxamed Diiriye Xayd oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in waddadaasi ahayd waddadii labaad ee Somaliland ka bilaabanta. “Waddooyinkii innaga danbeeyey halka ay marayaanna waad ogtihiin.” Ayuu Yidhi Maxamed Diiriye, isagoo sheegay inay dawladdu halkaa gaysay gacafyo iyo gaadiid kale oo loogu talo galay dhismaha waddada iyo shidaalkii ay gadiidku ku shaqaynayeen.

Wuxuu tilmaamay in dhawaan la sameeyey guddi ka kooban 26 xubnood oo loo xilsaaray waddista hawsha, isagoo sheegay in beelaha ka soo jeeda deegaanada ay waddadu marayso inay isu diyaarinayaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida jirta ee waddada. “Waxa aanu is tusnay in qof kastaa isu diyaariyo sidii uu hawshaa uga qaybqaadan lahaa.”Ayuu yidhi Maxamed Diiriye.

Guddoomiyaha guddidu wuxuu sheegay inay jirto baahi weyn oo u baahan in la daboolo, isla markaana waddadii ay marayso Oodweyne agtiisa, isagoo xusay inay lama huraan tahay in dhaqaale loogu deego dhismaha waddada.

photo-51-1024x764Wuxuu guddoomiyaha guddidu sheega inay isla qaateen in waddadu u baahan tahay lix shay oo kala ah afar iskarogo oo waa weyn, booyad, Sheewal ciidda gurta oo uu sheegay inay dhaqaale ahaan noqonayaan $350,0000 oo ah wejiga koobaad.

Wuxuu sheegay inay lacagtaa u qaybiyeen oo laga rabo inay bixiyaan ganacasatada, haweenka iyo masuuliyiinta xukuumadda ku jira.

Sheekh Cali Maxamed Xaaji Jaamac (Garaad) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ilaahay dadka muslimiinta ah faray inay wax ka bixiyaan maalka uu ilaahay siiyey, isagoo tilmaamay in waxbixintu qofka u farayso inay wax soo galaan. “Waxan loo yaqaanno tabaruca waa wax beni’aadanku horumar ku gaadhaan.” Ayuu yidhi Sheekh Cali Garaad, oo intaa raaciyey; “Qof kasta oo wax bixiya Faa’ido badan ayaa ugu jirta. Waxa aynu halkan isagu nimi waxa ina wada khuseeya, jiilasha innaga danbeeya waxay inooga baahan yihiin wax aynu uga tagno. Naftayda iyo tayda ba waxa aan idinku boorinayaa in wax la bixiyo. Waxaana aan digayaa waxa loo yaqaanno bakhaylnimada.” Ayuu Cali Garaad.

Cabdi Xaashi Xuseen Cumar oo ka mid ah guddida waddada oo isna halkaa ka hadlay kana mid ah xubnaha guddida ee Burco ka soo kicitimay, ayaa tilmaamay in waddadu isku xidhayso saddex gobol oo muhiim ah sida Togdheer, Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex. “Waddadani waa waddo wax badan kaga duwan waddooyinka socda, waa waddo 200 KM soo soconaysa oo saddex gobol isku xidhaysa. Waa Waddo cid kasta anfacaysa. Gacmo wada-jir ayay wax ku gooyaane hawl badan ayaa la inooga fadhiyaa.” Ayuu yidhi Cabdi Xaashi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gacanasiga Bashiir Cabdi Xariir oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in waddadu is taagtay hasayeeshee dhawaan lagu tashaday in dib loo dhaqaajiyo, isla markaana halkaa la geeyey iskarogooyin, booyad, cagafyo iyo ingineeradii waddada dhisayay. Waxa kale oo uu tilmaamay in waddadaasi hawl-gal culus u baahan tahay, isla markaana in la is abaabulo madaama oo ay xukuumaddu kaalinteedii qaadatay ayuu yidhi wasiir ku xigeenku.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyana halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dadku si buuxda uga qayb-qaataan tabaruca waddadaasi u baahan tahay. “Maalin dhawayd oo aanu waddadaa booqday waan yaabay shaqada soconaysa. Bal aynu isxilqaanno oo waddada ka qayb-qaaddano.” Ayay tidhi Marsho Shukri.

Waxa kale oo ay canaan kulul u jeedisay dadka ka soo jeeda dadka deegaanka oo ay eedaysay inay inay ka cagajiidaan bixinta tabarucaadka waddada.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay wasiir Cabdi Aw Daahir ayaa guul weyn ku tilmaamay guddida waddada loo sameeyey haddii ay shaqadooda gutaanna inay hawshu soconayso. Wuxuu sheegay in guddida loo baahan yahay in dejiyaan guddida qorshihii waddada lagu dhisi lahaa isla markaana qaadhaan lagu uruurin lahaa.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay dadka u heelan yihiin ka qayb-qaadashada wixii dan gaar ah, balse aanay dadku jeclanayn danta guud. “Caawa waxaynu u joognaa inaynu waddadaa niyad ahaan u qaadanno oo aynu si mug leh uga qaybqaadanno oo qof kasnaa waqti ahaan iyo maal ahaan ba huro.” Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye oo inta araaciyey oo yidhi, “ Wixii caawa la inagu xukumo aynu sideeda u qaadanno oo aynu bixinno.”

Waxa isaguna halkaa hadalo kooban ka soo jeediyey ganacsade Cismaan Kaahin oo hoosta ka calaamadiyey in dadku ku dhiiradeen inay waddo dhisan karaan. “Waxa odhan lahaa waxa waddo dhisi kara ummad isu tagtay, waxa mudan in qof kastaa niyadda geliyo in uu waddadaa wax ku darsado. Waxa ila tahay inteena meesha haddii aynu go’aan ku qaadano dhismaha waddaddaasi wau dhismi kartaa, inta kale ee inaga maqanina haddii inagu soo biiraan waynu dhisi karnaa. Qof kasta oo deegaanka soo jeeda ha ka qayb-qaato dhismaha waddadaas.” Ayuu yidhi Cismaan Kaahin.

Maayarka Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay farxadweyn tahay kulan lagu dardargelinayo dhismaha waddadaas isku xidhaysa Burco, Oodweyne-Hargeysa. “Waxa xusid mudan in xukuumaddu door weyn ka qaadatay dhismaha waddada. Laakii dadka deeganka ka soo jeeda waxa weyn laga ma hayo.”

Wuxuu sheegay in dadka ka soo jeeda deegaanka ay waddadu marayso inay kaalintooda ka qaataan dhismaha waddada. “Guddida waxa aan u soo jeeda inay sameeyaan qorshe iyo in reer kasta albaabka loo garaaco oo loo sheego inay biilkooda ku daraan dhismaha waddada.” Ayuu yidhi Cabdi Xakiim Nuur Muuse.

Ganacsade Xuseen Gacmadheer oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ganacsato qaateen inay bixinayaan lacagta bixinayaan oo ay baaboon tegi doonaan.

Waxa iyaduna halkaa ka hadashay Kisni Xuseen Qawdhan oo tilmaantay  inay dumar ahaan qaateen wixii qaadhaan waddada ku baxaya ee lagu qaybiyey, iyadoo tilmaamay ina xukuumaddu caddayso wixii ay dhaqaale ugu talo-gashay waddada. “Xukuumaddu waddooyinka kale waxay ku bixinaa lacag, ee ha noo caddayso wixii lacag ah ee ay la noogu talo-galay.” Ayay tidhi Kinsi.

Eng, Kayse Shukri oo ka mid ahaa maamulka sare ee shirkadda dhismaha ee Daryeel ayaa sheegay inay shirkad ahaan ka qayb-qaadaan dhismaha waddada, isla markaana ay diyaarinayaan wixii looga haahdo.

Ganacsade Cabdilaahi Maashaali oo isna halkaa ka halday ayaa ballan qaadaayaan soo uruurinta lacaga looga baan ayahay ganacasatada dhexe. “Waddadan xasanaad badan ayaa ku jira oo halkii masaajidada ayay ku jirta.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Ugaas Xuseen Geelle, Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Caaqail Axmed Maxamed Daahir, Caaqil Axmed Xuseen Libaax oo iyagna halkaa ka hadlay ayaa iska daba maray muhiimadda ku duugan dhismaha waddada, iyagoo tilmaamay inay madax-dhameed ahaan inay diyaar u yihiin hogaaminta iyo ka isku dubba ridka hawsha dhismaha. Waxay sheegeen inay dadka gudo iyo dibad ba looga baahan yahay inay inay isabaabulaan oo iyo is diyaariyaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed