|

Madaafiic Khasaare Geysatay Oo Xalay Markale Muqdisho Lagu Weeraray Xilli Shabaabka La Baacsanayo Gobolo Ka Fog Caasimadda

Muqdisho:11-March-2014 (SDN)-Magaalada Muqdisho ayaa xalay mar kale laga maqlay dayaanka iyo Hugunka Madaafiic ku soo Hoobanaysay oo aan la garanayn meel ay ka soo Dhacayaan.

 

m madfMadaafiicda ayaa waxaa ay ku soo dhaceen intooda badan Degmooyinka Hodan iyo Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana ilaa Dhawr Hoobiye ay ku soo dhaceen KM-4 iyo Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho, halkaas oo ah Goob si weyn shacabku u deggen yihiin.

 

Waxaa sidoo kale kusoo dhacay Degmada Boondheere iyo Wardhiigley Madaafiic la sheegay in ay ku dhaawacmeen 3 Qof oo ka mid ahaa dadkii halkaas degenaa.

 

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Hoobiyaashaa ee Magaalada Muqdisho lagu soo qaaday ayaan la sheegin ilaa iyo hada inta uu le egyahay, waxase tirada madaafiicda oo badnayd aawadeed la sheegayaa la filayaa inay khasaare geystaan.

Maleeshiyada Al-shabaab oo Warbaahinta Afkooda ku hadla Warsiiyey ayaa sheegtay in ay ka danbeeyaan Mas’uuliyada Weerarka  xalay muqdisho lagu qaaday, waxaana ay sheegeen in uu ujeedkoodu uu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

 

Madaafiicdan cusub ee xalay ku soo dhacay magaalada Muqdisho ayaa yaab gelisay dawladda iyo ciidanka AMISOM oo haatan ku hawllan sidii ay kooxaha Alshabaab uga sifayn lahaayeen Goobaha ay ku sii Hadhsan yihiin, waxana ay Haatan ka fikirayaan  sidii ay weerar ugu qaadeen Lahaayeen kooxaha meelaha Caasimadda ku dhaw madaafiicda ka soo tuuraya.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed