|

Madaafiic Habeenkii Labaad Oo Xidhiidh ah Ku Soo Dhacay Xaafado Muqdisho Ka Tirsan Iyo Tiro Dad ah Oo Arrimahaas Loo Taxaabay

Muqdisho:Feb-04-2014(SDN)-Inta La Ogyahay Shan Qof oo Ray’id ahaa ku Dhaawacmay Madaafiic iyo Hoobiyayaal   Habeenkii Labaad oo Xidhiidh ah ku Soo Dhaceen Xaafado ka Tirsan Magaalada Muqdisho.

madfaacMadaafiicdan ayaa ku Soo Dhacay Meelo kala Duwan oo ka Tirsan Magaalada, sida Xaafadaha Wardhiigley, Xamar-jajab iyo Boondheere, waxana ay ku Dul Dhaceen Meelo ay Dad Rayid ahi Deggen yihiin.

Ciidanka Booliska ayaa Habeenkii  xalay  Hawlgallo Ballaadhan oo ay Arrintan kaga Hortagayaan Sameeyey, waxana ay Soo Qabqabteen  In Ka Badan Soddon qof  oo La Sheegay inuu Baadhitaan ku Socdo.

Dhinaca Kale Hawlwadeenada Dawladda ee Dhinaca Ammaanka ayaa Habeenkii xalay ahaa yeeshay Kulan Albaabadu u xidhan yihiin, waxana ay kaga Doodeen sidii arrimaha soo Kordhay loo Maarayn lahaa.

Taliyaha Ciidanka Ammaanka Somalia Mr Saacid  oo warbaahinta la Hadlay ayaa Bulshada Magaalada ka Codsaday inay La Shaqeeyaan si Looga Hortago Dhibaatadan cusub ee Soo Korodhay.

Shacabka ayaa Habeenada dambe waxa ku soo Kordhay cabsi iyo Werwer dheeraad  ah oo aanay Hore u qabin, waxana ay si weyn uga  Walaacsan yihiin Weeraradan cusub ee sida Joogtada ah ugu soo Noqnoqonaya.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed