Mad-madow Soo Kala Dhex Galay Kenya iyo Soomaaliya oo Marwooyin Wasiirro Ahi Xal U Raadiyeen
Nairobi June 02,2013(SDN/Hubaal)- Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Marwo Aamina Maxamed ayaa Markiiu horeysay wada yeeshay Kulan, tan iyo markii xilka loo magacaabay Wasiirrada Khaarijiga Kenya.
Kulanka Wasiirrada arrimaha dibedd Kenya & Somaliya ayaa ah kii ugu horeyay ee Laba Masuul oo Haween ah oo weliba kala matalay laba qaran ay ku yeeshan Xafiis Dawladeed iyagoo diirrada saarayay Xal u helida Khilaafka soo Kala Dhex galay Dawladda Somalia iyo dhiggeeda Kenya, khaas ahaan Maamullada Gobolada Soomaaliya ee soohdinta la leh Kenya, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay Kooxda Al shabaab kasoo labada wadan ku kala Aragti Duwan yihiin.
Sidoo kale Waxay labada dawladood isku maan dhafsan yihiin maamulida Dekadda Kismaayo iyo Maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Geddo Balse labada wasiir ayaa isla lafa guray arrimo ay kamid yihiin Arrimaha Labada Dawladood isku maandhafsanyihiin.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com