|

Macalin ku nool UK oo Ardeyad Soomaaliyeed ugu deeqay mid ka mida Kelyihiisa

London April 03,2014(SDN)-Macalin wax ka dhiga mid ka mida dugsiyada magaaladaLondon ayaa dhawaan ugu deeqay mid ka mida kelyihiisa Gabar Soomaaliyeed oo uu bare u yahay.

Roy Coe oo 53 jir ah ayaa Caaliya Axmed Ali  oo 13 jir ah ugu deeqay mid ka mida keliyihiisa ka dib kolkuu ogaaday in gabadha yari ay xanuun uga baaqaneyso waxbarashadeeda.

Caaliya Axmed Cali ayaa ah gabar ay Madaxa biyo fadhiyaan taas oo sababtay in kelyeheeduna fariistaan.

Macalinka iyo Ardayadiisa ayaa maray baaritaano dhanka dhiig ah si loo ogaado in ay inkasta oo aaney isku jinsi aheyn hadan uu kelida ugu deeqi karo.

don

Dadka aan qaraabada aheen Ayaan inta badan aaney suurto gal aheyn in ay isugu deeqaan kelyaha waxaana  deeqaha kelyuhu shaqeeyaan uun 100,000ba mid uun.

Macalinka ayaa sheegay in markii uu Caaliya aabaheed u sheegay in uu kelidiisa siinayo ay Caaliya isku duubtay,waxaanu sheegay kolka uu arintaa soo xusuutaba uu ilmeeyo.

Axmed Cali iyo bulshada ku nool xaafada uu ku yaalo Royal Docks Community School ayaa xaflad abaalmarin ah u sameeyay Mr Coe.

Caaliya iyo macalinkeeda Mr Coe ayaa qaliin lagu sameeyay bishii February ee ina dhaaftay waxaana labadoodaba haatan caafimaadkooda lagu sheegay caadi.

Waalidka Caaliya ayaa sheegay in macalinka uu gabadhooda fursad u siiyay nolol ay caafimaad sidii hore dhaanta ku noolaato.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed