Mac-adka Faafinta Islaamka ayaa kulan-diimeed u qabtay Dhalinyrada Xaafada Daami
Hargeysa, 21,Aug 2014 (IPC)- Mac-adka Faafinta Islaamka ayaa kulan wacy gelin diini ah u qabtay in ka badan 150 dhalinyarada xaafada Daami ee Magaalada Hargeysa.
Kulan-diimeedkaas oo lagu qabaty Hotel Shiraaqle e Magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagaaga wacyi geliyay arimaa ka soo horjeeda diinteena suuban, sida tahriibta, waalid caasiga, is-qarxinta, adeecid la’aanta Macalinka iyo wixii aan ku haboonayn diinta islaamku, waxana kulankaas ka soo qayb galay madaxda Sare ee Mac-adka Faafinta Islaamka, boqorka Xaafada Daami, la taliyaha Madaxweynaha ee Beelaha la haybsooco, Madaxa akadamiga waxbarashada iyo horumarinta beelaha la haybsooco iyo dhalinyaro badan.
Ugu horayn waxaa kulan-diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Mac-adka Faafinta Islaamka ee Gobolka Hawd Sheekh Cumar Jamac Ducaale, waxaanu dhaliyaradaas ugu baaqay inay barashada diinta xooga saaraan “Waxaan idinku baraarujinayaa inaad xadhiga ilahay qabsataan ood diinta ku dadaashaan barashadeeda, marka aad sidaas yeeshaan wax walba way idin hagaagayaan.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cumar.
La taliyaha Madaxweynaha Beelaha la haybsooco MD Barkhad Jamac Xirsi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa dar-daaran dhinacyo badan taabanay halkaas ka jeediyay, isaga oo sharaxaad ka bixiyay safar uu dhawaan ku tagay wadanka debediisa, taas oo uu dhalintii halkaas joogtay uga digay inay wadankooda ka dhoofaan “Siminaarkan diiniga ah ee Mac-adka Faafinta Islaamku u qabtay dhalinyarada reer Daami waa mid miisaankeeda leh, waana mid baraarujin ah ee waa inaad ka faa’idaysataan muxaadirooyinkaas diini ah ee la idin jeedinaayo.” Sidaas waxaa yidhi la taliye Barkhad.
Boqor Axmed Ugaas Warsame oo isaguna halkaas hadal ka jeediyay ayaa dhalinyaradii kulankaas loo qabtay ugu baaqay inay xooga saaraan xadhiga ilahay, isla markaas waxa uu mahad naq u jeediyay Mac-adka Faafinta Islaamka oo uu xusay kaalinta uu kaga jiro Bulshada.
Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, Sheekh Axmed Aadan Mirre iyo Sheekh Maxamed Cawil Cismaan ayaa muxaadirooyin kala duwan halkaas ka jeediyay, iyaga oo ku dheeraaday muhiimada ay diinta islaamku leedahay iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay u baahan tahay taas oo culimadii kulan-diimeedkaas ka hadashay ay si qoro dheer uga warameen baaxada diinta islaamku iyo karamaada nafta binu adamku leedahay, taas oo ay sheegeen dhalinyaradu xooga saaraan barashada diinta.
Gebo-gabadii waxa kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Mac-adka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi yuusuf (Mooge), waxaanu uga mahad naqay dhalinyaradii, Boqoradii iyo culimadii kulankaas ka soo qayb galay, waxaanu ku dheeri geliyay dhalintii kulankaas ka soo qayb gashay inay dhegaha u dhaadhiciyaan muxaadirooyinkaas diini ah ah ee loo jeediyay.