Maayirka Hargeysa oo ku baaqay in aan ajaanibta sadaqo la siin iyo buuqa ka dhashay
Hargeysa 22 Aug, 2022 (QJ)- Maayirka caasimadda Hargeysa ayaa maanta jeediyay hadal dhaliyay muran xoogan oo ku aadan sadaqada la siiyo dadka ajaanibta ah ee caasimadda ka dhex dawarsada.
Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ku baaqay in aan la siin sadaqad ajaanibta Hargeysa ku sugan.
“Qofka in dhiban oo jaarkiisa ah oo uu hebel hebel u yaqaano ayaa jira, kunka ha urruriyo 30 kun markay gaadhana reerka jaarkiisa ee baahan ha siiyo, bakhaarku ha joojiyo, warqaduhuna way u imanayaan, lacagta uu subixii u qaybinayo dadka soogalootiga ah. Dad aynaan garanayn oo aan waddankan u dhalan ayaa iyaga oo xad dhaaf ah ay isku soo tilmaamaan waddankan, oo ay yidhaahdaan waa waddan, waddooyinka iyo bakhaarada lacagta lagu dhex qaybiyo” ayuu yidhi maayir Mooge.
Hadalka maayirka ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay iyadoo dad badan ay kasoo hor jeedsadeen aragtida maayirka Hargeysa, waxaana fal celinta laga arkayaa Baraha Bulshada.