|

Maayirka Degmada Bali-gubadle Oo xabsiga u taxaabay Wariyihii HCTV

Balli Gubadle 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Maayirka Degmada Bali-gubadle ayaa maanta xabsiga u taxaabay  Wariyihii Uga soo warami jiray Xarunta Gobolka Hawd ee Baligubadle  telefeeshinka HCTV iyo Shabakada Wararka DhambaalMedia Wariye Cabdi Samriye

 

Wariye SamriyeXidhiga Wariye Cabdi Samriye ayaan hada ku xidhan Saldhiga Magaalada Bali-gubadle  lamana garanaayo ilaa hada u jeedada dhabta ah ee ka dambaysa xadhigiisa,balse Wariye Cabdi Samriye oo isagoo ku jira Saldhiga magaalada Baligubadle Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyey xadhigiisa,waxaanu xadhigiisa ku tilmaamay mid sharci daro ah isla markaana aanu ilaa hada garanayn sife uu  ilaa hada ku xidhanahay

 

Wariye Cabdi Samriye oo ka hadlaya xadhigiisa ayaa waxaa uu yidhi:”Waxaa maanta la I xidhay  12:00 Duhurnimo”waxaanan ku xidhanhay Sharci daro”xadhigaygana waxaa ka masuula Maayirka Degmada Bali-gubadle iyo Taliyaha Qaybeedka Gobolka Hawd mana Garanayo sife aan ilaa hada ku xidhanahay”Ayaa uu yidhi Wariye Cabdi Samriye

Comments are closed