|

Maayir Mooge oo gudi jawaab ah u saaray dib u dhiska suuqa Waaheen

Hargeysa (SD) – Duqa magaalada Hargeysa Cabdikarim Axmed Mooge ayaa ugu danbeyntii ka jawaabay faro gelintii Madaxweyne Biixi ku hayay hawlaha Suuqa Waaheen.

Duqa Caasimada Hargeysa oo ka jawaabayay gudi damacsan la wareegida hawlaha Suuqa Waaheen ayaa dhankiisa ka magaacabay Guddi ka arrimisa hawlaha Suuqa Waaheen.

Halkan hoose ka akhri Wareegtada Duqa Hargeysa uu ka soo saaray xaalada Waaheen:

Ujeedo Magacaabis Gudida Ka soo Kabashada Masiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen.
Anigoo ka Duuliya Xilka Golaha Deegaanka sida uu dhigayo Xeer Lr23/2019 Qodobkiisa 40aad Farqadiisa 4aad,5aad,6aad iyo 7aad oo ka Hadlaysa Doorka Dawladda Hoose ay ku leedahay ka jawaabida Aafooyinka Dabiiciga ah,kormeerka dhismayaasha,Asaasida Suuqyada ,kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahida wakhti Xaadirkan loo qabo in laga jawaabo masiibadii dabka ahayd ee baabi’say suuqii waynaa ee Waaheen oo sababay in muwaadiniin badani ku caydhoobaan.
Sidaa Daraadeed,aniga oo ka duulaya arintaasi sare ku xusan.
Waxaan maanta oo ay Bishu Tahay 26/4/2022 magacaabay gudi u gaar ah oo ka shaqaysa dhamaan arimaha suuqa Waaheen iyo Xidhiidhada Cid kasta oo lagala shaqaynayo dhibtii ka dhacday suuqa waaheen.
Magacyada gudiguna waa sidan Hoos ku Xusan.
1. Aadan jaamac xaddi (Mideeye) Gudoomiye.
2. Yaasiin Cumar Cabdi (G.ku Xigeen).
3. Siciid Nuur Jaamac (Xoghaye).
4. C/Risaaq Maxamed Faarax ‘Wiiwaa’ (Xubin).
5. Jamaal Cismaan C/laahi ( Xubin).
6. Xuseen Ibraahim Askar (Xubin).
7. Axmed Yoonis Aadan (Xubin).
8. C/Raxmaan C/laahi Fidaar (Xubin).
9. Khadar Yuusuf Cali (Xubin).
Ugu Damabayn,waxaan Rajaynayaa in Xubnaha Gudida kor ku Xusan in ay Xilkooda u Gutaan si Hufan.
Dadkoodana ay ugu adeegi doonaan si cadaalad ah oo waafaqsann shuruucda Dalka JSL.
Allaa Mahad Leh.
FG: Warqadan Magacaabista ahi waxa ay Soo Baxday 26.4.2022 waxaana la Baahiyay Maanta oo ah 4.May.2022.
Abdikariin Ahmed Mooge.
Duqa Caasimadda Hargeysa ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa.

Comments are closed