Maayarka Magaalada Gebilay oo ka hadlay Mooshin Xilka lagaga Xayuubinayo kadib Markii uu Wasiir Warancade Fasaxay Fadhiyada Golayaasha Deegaanka Daawo
Hargaysa 23.Aug 2014 (SDN/QJ)-Maayerka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay diyaarinta Mooshin ka dhan ah oo ay Mudanayaasha Golaha Deegaankaasi qaarkood sheegeen inay xilka kaga qaadayaan Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenkooda, kuwaasoo ay hore ugu suuragaeli weyday Fadhi aan caadi ahayn oo ay dalbadeen, isla amrkaana doonayeen inay xilka kaga qaadaan labadaas Masuul, ka dib markii ay Wasaaradda arrimaha guduhu diidday.
Diidmada Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa salka ku haysay Qoraal uu sannadkan bilawgiisii Wasiirka Wasaaraddaas Cali Maxamed Waran-cadde ku joojiyey qabashada fadhiyada aan caadiga ahayn ee xilka lagaga qaadi karo Guddoomiyeyaasha Golayaasha Deegaanka, hase-yeeshee, toddobaadkii hore ayuu Wasiir Waran-cadde shaaca ka qaaday inay Wasaarad ahaan fasaxeen xayiraadda ay Golayaasha Deegaanka dalka ka saareen qabashada fadhiyada aan caadiga ahayn ee ay Maayerrada iyo Maayer Ku-xigeennada ku ridi karaan.
Haddaba, Maayerka Degmada Gabiley oo maanta mar uu hortegay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, markii uu ka soo baxay kulanka uu Guddigaas la yeeshay ka dib ay Weriyeyaashu Su’aalo door ah ka weydiiyeen ayaa ku dooday in xilka qaadista iyo doorashaduba Sharci yihiin, waxaanay Su’aalahaas la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey Maayerka Gabiley ka daawan kartaan Muuqaalkan hoose.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com