|

Maayarka Magaalada Berbera oo ka hadlay Qodobo ka soo baxay gabo gabadii kalfadhigoodii Kowaad.

Hargaysa 19.Jan (SDN) Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera ayaa maanta soo gabo gabeeyay Kalfadhigoodii Kowaad ,Isla markaana ku Magacaabay Afar Gudi Hoosaad oo Golaha Deegaanka ee Degmada berbera yeeshay.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee magaalada berbera isla markaana ah Maayarka magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxamud Cidin ayaa tilmaamay in si loo qaybsado hawl maalmeedka Joogtada ah ee ummadu u igmatay ay Mudanayaasha Golaha deegaanka berbera magacaabeen afar gudi oo kala ah Gudida dhaqaalaha,Arrimaha Bulshada,dhulka iyo Gudida Nabadgalyada waxaanu sheegay Maayarku inay Kalfadhigan ku ansixiyeen oo kale Xeer hoosaadkii ay ku wada shaqaynayeen isla markaana Xildhibaankastaa ay ku cadahay Mas’uuliyada laga rabo inuu ka soo baxo.

Maayarka magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxamud Cidin waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalada berbera inay iska bixiyaan Wixii Cashuur ah ee ku waajibay isla markaana suurto galinaya sida uu yidhi hawl socodsiinta maamul iyo horumar ee loo xil saaray “Dadweynuhu waa inay fahmaan waxa xaq loogu leeyahay iyo Waxa aan loogu lahayn,isla xisaabtanku wuxuu imanayaa marka Muwaadinku garto qofkii uu doortay waxa uu ka rabo iyo waxa isaga (Muwaadinka) laga doonayo,taasi waxay tahay iyadoo dadweynuhu si xilkasnimo leh u bixiyaan Cashuuraha dawlada hoose qaabilsan tahay” Maayarka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shacabka berberoow si aad noola Xisaabtan taan waa inaad marka hore bixisaan Cashuuraha oo horumarkii magaaladeenu ku xidhan tahay,anaguna waxaan ku hawlan nahay qurxinta magaalada berbera oo xudun u ah Somaliland, Marka ay berberi bilicdeedu wanaagsanaato dalkoo dhan ayaan aaminsanahay inuu Qurux badnaanayo” sidaa waxaa yidhi Maayarka Magaalada berbera oo ka hadlayay Xidhitaanka Kalfadhigii 1aad ee Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera.

Hargaysa SDN.

Comments are closed