Maayarka Gebilay oo ka Hadlay Mashaariic ay Guulaystay Hirgalintooda
Gebilay 28.Aug 2013 (SDN)- Golaha deegaanka ee degmada gabilay ayaa markii ugu horaysay dhamays tiray 12 mashruuc oo kala duwan sida uu sheegay mayirka magaalada gabilay mudane shucayb maxamed muuse
Mashaariicdaasi ayaa ka koobnaa dhamaystirka qorshayaal qabyo ahaa iyo kuwo cusub oo ah dhismaha xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin sided dugsi oo laga hir galiyey deegaanada gobolka gabilay kuwaas oo qaarkoodna lagu kor dhiyey fasala cusub, qaar kalena lagu sameeyey qalabayn iyo dayactir.
Halka ay sidoo kale dhiseen xarunta tobabarka caafimaadka taas oo loogu talo galay in ay wax ku bartaan dumarka adeegayaasha caafimaadka ee la hawl gali doona degmooyinka iyo tuulooyinka gobolada maroodi jeex, gabilay iyo hawd looguna magac daray marwo caafimaad kuwaas oo dufcadii ugu horaysay ay dhamaysatay waxbarashadii dhinaca caafimaadka.
Mayirka magaalada gabilay ahna gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada gabilay mudane shucayb maxamed muuse oo kormeer indho indhay ah ku soo maray qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa warbaahinta ugu waramay halka ay marayso hawsha ay bulshada reer gabilay u hayaan iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii sideeda bilood ahayd ee ay xafiiska ku sugnaayeen oo ay ka mid tahay in markii ugu horaysay magaalada gabilay ay hirgaliyaan guryihii martida oo ka kooban shan guri oo si fiican loo qalabeeyey, waxaanu sheegay mayirku in gole deegaan ahaan ay sidoo kale dhiseen jidka biriijka ah ee u dhexeeya magaalada gabilay iyo dugsiga sare ee qalax kaas oo dhibaato badan ku hayey marka ay roobabku da aan ardayda iyo dadka reer miyiga ah ee safraya
Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmadada gabilay wuxuu sidoo kale sheegay in ay ku guulaaysteen in ay bixiyaan dhamaan wixii dayn ahaa ee lagu laahaa golaha deegaanka taasi waxay noo saamaxday ayuu yidhi mashaariic kala duwan oo ay ka mdi yihiin deeq lacageed oo ay ka gaysteen dooxa caada ee deegaanka arabsiyo iyo dhul ay u iibiyeen dugsiga sare ee qalax oo hada dhismihiisiina la dhamays tiray,
Gabo gabadiina maayir shucayb waxa uu sheegay in ay hada meel fiican marayso dhawaana xadhiga laga jari doono 800 00 mitir oo jidka laamiya ah.
Gebilay SDN.
contact@somalidiasporanews.com