|

Maayarka cusub ee Hargeysa muxuu ka yidhi qorshaha waxqabadkooda 100-ka maalmood ee u horeeya?

Hargeysa 23, January 2013 (SDN)- Maayarka cusub ee magaalada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa ka hadlay qorshahooda waxqabad ee 100-ka maalmood ee muddo-xilleedka golahooda cusub ugu horeeya.

Maayarku waxa uu sheegay in xubnaha cusub ee golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa loo qaybiyay dhawr guddi-hoosaad oo kala duwan, sida guddiga Dhulka, guddiga arrimaha Bulshada, guddiga Dhaqaalaha iyo guddiga Nabadgelyada, si loo kala fududeeyo shaqooyinka culus ee horyaala.

Mr. Yuusuf Warsame Siciid waxa uu ku dooday in waxyaabaha qorshaha ugu jira 100-ka maalmood ee u horeeya ay ka mid tahay wax-ka-qabashada saxmada gaadiidka iyo sidii Taraafikada gacan looga siin lahaa, isla markaana loo dhamaystiri lahaa jidka 150-ka, si loo yareeyo saxmada faraha badan ee ka jirta jidadka iyo gudaha magaalada.

Maayarka oo maanta u waramay idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa, waxa uu sheegay in golaha cusub ee ku soo baxay doorashadii Deegaanka Somaliland ee dabayaaqadii November tii sannadkii hore ka dhacday dalka, ay u heelan yihiin inay bulshada u adeeggaan, wuxuuna amaanay waxqabadka hoggaanka golihii ay xilka kala wareegeen.

Inkastoo uu tilmaamay qorsheyaal kooban oo uu ku hamiyayo 100-ka maalmood ee u horeeya, haddana waxa uu fulinta qorsheyaashaas uu xusay uu u sibir-saaray inay ku xidhnaan doonto hadba siday u soo xeroodaan cashuuraha dadweynaha caasimadda ku dhaqan ku waajibay.

Iyadoo bilo la’aanta ka taagan qaybo badan oo caasimadda ah ka sokow, dhibaatada ugu wayn ee waqtigan Hargeysa ka jirtaa waa Qashinka meel kasta tuulan, kaasoo sababi kara dhibaato caafimaad oo bulshada halis ku ah, inkastoo aanu hadalkiisa ku xusin sidii loo tirtiri lahaa mushkilada Xashiishka ka taagan xilligan.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

 

Comments are closed