|

Maayarka Cusub ee Caasimada oo si rasmi ah Maayarkii hore ugala wareegay hawlihii Maamul ee Caasimada

Hargaysa 06 Jan.(SDN)

Maayarka Cusub ee Caasimada Hargaysa Eng Yuusuf Warsame Siciid ayaa maanta si dhamaystiran ugala wareegay duqii hore ee Caasimada Eng Xuseen Maxamud Jiciir hawlihii Maamulka Caasimada.

Munaasibad lagu qabtay Xafiiska Maayarka Caasimada oo ay goob joog ka ahaayeen Maayar Xigeenka Cusub ee Caasimada Hargaysa C.casiis Maxamed Xaashi ,Maayar ku xigeenkii hore ee Caasimada Maxamed C.laahi Uur Cade iyo Xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa .

Maayarkii hore ee Caasimada Hargaysa ayaa sheegay in Munaasibadii Shalay ee Xil Wareejintu ay ahayd mid Muuqal ah isla markaana ay ku soo bandhigayeen Waxqabadkii u suurto galay mudadii ay Xilka hogaaminta Caasimada hayeen waxaanu intaas ku daray inuu maanta si rasmi ah Maayarka Cusub ugu wareejinayo dhamaanba hawlihii uu mas’uulka ka ahaa sida Shaqaalaha Dawlada hoose,Gaadiidka, Agabka Xafiisyada,Xarumaha dawlada hoose ee degmooyinka Caasimada iyo wixii la mid ah.

Dhinaca kale Maayarka Caasimada Hargaysa Eng Yuusuf Warsame Siciid ayaa Xil wareejinta Maamul kadib waxa uu xadhiga ka jaray wado Cusub oo dhex marta xaafada Hindiya Laynka oo dawlada hoose hirgalisay.

Hargaysa SDN

Comments are closed