Maayarka Boorama oo Sharaxaad ka Bixiyay arrimo uu kala Kulmay Yurub
Boorama 20.June 2014 (SDN/QJ)-Maayerka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama kadib markii uu ka soo laabtay safar qaatay mudo dhawr todobaad ah oo uu ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Maayerka oo soo dhawayntiisa ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu dadwayne aad u tiro badan kala hadlay khayriyada magaalda Boorama waxana uu sheegay in safarkiisu uu ahaa mid dan u ah dalka iyo dadka reer Boorama, isla markaana ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay guulo uga soo hoyn lahaayeen.
Maayar Saleebaan oo ka waramayay waxyaabihii u soo qabsoomay ayaa waxa uu yidhi “Waxa ugu horayn noo qabsoomay in aan magaalada Boorama la soo mataanaynay magaalo ku taala dalka Sweden oo magaceedu yahay SAFWO,waxana ay tani ka tarjumaysaa sida ay nooga go’nayd in xidhiidhka caalamiga ah ee ay Boorama la leedahay Dunida kale aan aad u balaadhino, sidoo kale waxa noo soo hirgashay isla markaana aan ugu bishaaraynayaa bahda ciyaaraha in Boorama laga dhisi doono goroon caalami ah oo noqon doona kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka laga sameeyo isla markaana loogu talo galay kubada cagta, balse ay u dhan yihiin dhamaan adeegyadii loogu talo galay garoon ciyaareed”
Maayarka oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Sidoo kale waxa noo hirgashay inaan soo xidhno xidhiidho dhinaca deeqaha waxbarashada ah oo fursad u ah dhalinyarada dalka wax ku baratay, isla markaana ay helayso fursado aqoon korodhsi ah oo wax badan ka tari doona dhinaca shaqo abuurka”
Maayar Saleebaan waxa kale oo uu tilmaamay in ay u suuro gashay inay heshiisyo dhinaca tababarada ciyaaraha ah la soo galaan shirkado caalami ah oo ku yaala dalalka Yurub, tababradaas oo faa’iido u noqon doona bahda ciyaarha ee leh ama hiigsanaysa mustaqbalka ciyaareed.
Si kastaba ha ahaatee Maayar Saleebaan ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in waxyaabahaas oo dhan lagu gaadhi karo oo kaliya midnimo, kalsooni, iskaashi iyo in gacmaha la is qabsado.
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com