Maayarka Boorama oo ku Celiyay inaanay ka baxayn balanqaadkii ay bulshada u Sameeyeen Xiligii Ololaha doorashada.
Hargaysa 28.Jan (SDN) Maayirka Dawlada Hoose ee Boorame ,Mud,Saleebaan maxamed Xaddi,ayaa sheegay in qorsha hawleedka golahooda degaanka ay sal-dhig u noqon doonto ballan qaad-yadii ay bulshada u sameeyeen xilligii ololaha doorashada kaas oo la Xidhiidhay dhinac-yada adeega bulashada.
Mud, saleebaan maxamed Xaddi waxa uu sheegay in gole ahaan ay isla qaateen, in bulshada uga dhabayaan fulinta wixii balan qaad ah,taas oo ku xidhnaan doonta ayuu yidhi kolba sida dakhliga Cashuuruhu u soo Xerooddo “Waxaad Wacad ku marayaa inaan ka dhabayn doono wixii aanu ku ololaynay ee Umadu nagu dooratay,waxaanan bulshada ka codsanayaa inay Bixiyaan Wixii Cashuuro ah ee ku Waajibay si horumarka magaaladu u sii socdo”ayuu yidhi Maayarku .
Duqa Boorame waxa kale oo uu sheegay in qorshaha Maamulkoodu wado ee adeega bulshada,ay mudnaanta siin doonaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada sida faya-dhowrka Guud , kaasi oo uu xusay inay haatan bilaabeen in todobaad-kiiba maalin ay u asteeyaan inay noqoto maalinta Nadaafadda Guud oo Xashiishka magaalada lagaga Gurayo, si bilicda magaalada loo ilaaliya.
Mud, Saleebaan Maxamed Xaddi waxa uu intaa raaciyey in ay u qorshaysan tahay oo kale sidii cashuuraha kala duwan ee ay bixinayaan dadweynuhu dib wax loogaga celiyo bulshada.
Maayarku waxa uu Xusay in dadweynaha looga baahan yahay inay si hagar la’aan ah u bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
Hargaysa SDN.