Maayarka Balli Gubadle oo Baaq u Jeediyay Bulshada Ku Nool Magaaladaas iyo Jiidaha Hoostaga
Balli Gubadle 09.May (SDN) Maayirka Degmada Bali-Gubadle Mud, Cabdi Iimaan Jaamac, ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan Degmada Bali/gubadle iyo Guud ahaan Gobolka Hawd inay si weyn ugu diyaar garoobaan ka qayb qaadashada Xuska maalinta la soo noqoshada Xorriyada Somaliland ee 18Ka May ee ay maalmaha yari inaga xigaan.
Maayarka Degmada Bali/gubadle Mud, Cabdi Iimaan Jaamac, waxa kale oo uu dadweynaha Gobolka Hawd ku adkeeyey inay si weyn isaga xilsaaraan adkaynta nabad-gelyada, foojignaan dheeraad ahna ay yeeshaan inta lagu jiro dabaal-degga Xuska Maalinta Qaranimada somaaliland ee 18Ka May. waxaanu Maayirku intaa raaciyey in dadweynaha degmada iyo Gobolkaba laga doonayo inay si weyn uga qayb qaataan xuska 18Ka May oo haatan kaabiga inagu soo haysa, maalmo yarina ay inaga xigaan.
Balli Gubadle SDN.
Qurbejoog.com