Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Oo Haddiday Shaqaalaha Cashuur Ururinta D/hoose ee Hargeysa Oo Albaabka Kasoo Furtey Aqalka Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Cashuuro Ku Baaqdeen
Hargeysa:10-Oct-2013(SDN)-Shaqaalaha ururinta Cashuuraha Guryaha iyo Liisamada Ardiyadaha Dawladda Hoose ee Hargeysa,ayaa Albaabka kasoo Furtey Guriga uu ka Degan yahay Magaalada Hargeysa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo la sheegay in lacag cashuur ah oo tiro dhaaf ah lagu leeyahay.
Shaqaalaha Cashuur ururinta dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Guriga Wasiirka ee ay Albaabka ka soo Goosteen ku daray Aqallo kale oo wasiirka la jaar ah, waxana shaqaalahani ay amar ku qabaan inay albaabka ka soo qaadan Guri kasta oo ka sagsaaga inuu Bixiyo Cashuurta Dawladda Hoose ee Xagga loogu leeyahay.
Sida ay Noo sheegeen Dad shacab ah oo Goob joog ka ahaa dhacdadani, waxa ay Shaqaalaha Dawladda Hoose Albaabadii ay sideen oo uu ku jiro kii wasiiku keeneen Xarunta waaxda Aqalku ku yaallo ee Loogu Talo galay in wixii albaab la soo qaado la keeno, waxase Qaab Milgaha ka baxsan oo Bahdilaad iyo Dulmi ka muuqdo shaqaalahan hawshooda Gudanayey kula kacay Maayarku xigeenka Caaimadda, kaas oo shaqaalaha ku canaantay inay Aqalka wasiirka ka soo Goostaan Albaabka.
Maayar ku xigeenka ayaa sidoo kale indhaha kaga dhacay oo canaan badan dusha ka saaray shaqaalaha Waaxda Maxamuud/Haybe oo aqalku ku yaallo, waxana uu ku qabsaday inay aqbaleen in albaabkii wasiirka xaruntooda la keeno
Shaqaalaha Dawladda Hoose Gaar ahaan Xaafadda Maxamuud-Haybe ayaa gaashaanka u daruurey Maayarku
Kuxigeenka Caasimada iyagoo ugu weedh celiyay in Bulshada iyo Shacbiga Guryaha Xaafadaha kala duwan ee Hargeysi ay iyaga Shaqaale ahaan isugu mid yihiin sidaa daraadeedna ay gudanayaan Waajiibkoodii Shaqo Xaqna aan loogu laheyn in ay dhaafaan aqalada wasiirrada, maadaama ay cashuurbixiyayaasha ka mid yihiin,”Waxaanu nahay Xaafadaha Kaalinta Sideedaad ee ka dambeeya HuteelSharaton dhacdadaasi ilaa Shaley aad ayaa loo hadalhayay waayo Maayar
Kuxigeenka Caasimada ayaa albaabkii usoo celiyay Guriga Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir laakiin Guryihii kale waxa laga Shubey Cashuurtii intoodii badneyd inkastoo sida muuqatey ay affada Guriga lihi dadka inay wax la qabto raali ka aheyd hadana waxaanu
Qiyaasney in Maayar Kuxigeenka Wasiirku Lasoo hadley markaanu eegnay siduu ula hadlayay Shaqaalihiisa, waana lawada joogay markii Muranku dhacey laakiin albaabo badan oo hada halkii yaalaa wey jiraan kii Wasiirka se waa lasoo Celiyay”Sidaa Waxa yidhi Khadar Sheekh Muuse
Yuusuf Cali oo goob joog ka ahaa Murankii dhex marayay Maayar-xigeenka Caasimada Hargeysa iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha D/hoose ee Hargeysa.
Inta badan waxa dhacda in Cashuuraha D/hoose ay ka qaado Guryaha iyo Ardiyadaha dhulka aan laga qaadin Guryaha Madaxda Qaarkood inkastoo Maayirkii hore ee Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir aanu ka haybeysan jirin xiligiisii Golaha Wasiirada islamarkaana, uu si
isku mid ah ula dhaqmi jirey marka la eego dhinacyada Cashuuraha iyo faragalinta Wasiirada iyadoo aanay jirin Wasiiro uu tix galin badan siin jirey kana aqbali jirey amaro ay soo siiyaan xataa Xiligii uu Wasiirka Arimaha Gudaha ahaa Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil-yare),
halka ay Maamulka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee Xiligani hor cararaan Golaha Wasiirada Xukuumadan.
Maayarku Xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiisa Cagoweyne oo ah dhallinyaro aan aqoon badan u lahayn hawlaha maamulka, ayaa waxa ay arrintani ku tahay ceeb iyo nacdiir mustaqbalkiisa madaw gelinaysa, waxana looga baahan yahay inuu shacabkiisa si isku mid ah ugu wada shaqeeyo, iyadoo ay waliba waajib ku tahay inuu wasiirrada ku qasbo inay cashuurta bixiyaan oo ay sida danyartuba u bixinayso ee loogu khasbayo iyagana ugu khasbaan.
Sidoo kale Golaha wasiirrada Somaliland, gaar ahaan wasiirka warfaafinta ayaa looga baahan yahay inuu damiirkiisa waddaninimo ka shaqaysiiyo oo bixyo cashuurta ku waajibtay gurigiisa, si uu muujiyo muwaaddinmo, waxana ceeb ku ah in isagoo wasiir ah haddan aqalkiisa cashuur darteed albaabka loogala baxo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com