Maayar Ku Xigeenka Caasimada oo Kulan la Yeeshay Gudiyada Nabad galyada ee Hargaysa
Hargaysa 21.March (SDN) Maayar ku xigeenka caasimaadda Hargaysa ahna ku simaha Duqa caasimadda ayaa maanta kullan la yeeshay gudoomiyayaasha dagmooyinka iyo guddiyadda nabadgalyadda caasimadda.
Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Taliyayaasha ciidankla bilayska qaybaha Bariga iyo galbeedka caasimada Hargeysa iyo Hogaanka howl-gelinta ciidanka Booliska, Waxa ugu horayn halkaasi war-bixino maayir ku xigeenka ku siiyey Gudoomiyayaasha degmooyinka caasimadu ka kooban tahay, waxaanay ka warameen xaaladaha amniga iyo baahiyaha gaarka ah ee demooyinka.
Gudoomiyayaasha degmooyinka Caasimadu waxakale oo ay sheegeen in degmooyinka qaarkood ay dhibaato ka haysato dhalin-yaro ay sheegeen inay is-ticmaalaan mukhaadaraadka oo waqtiyada habeenkii rebshado ka sameeya degmooyinka qaarkood.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Taliyayaasha qaybaha bariga iyo Galbeedka ee ciidanka Booliska ee caasimadda iyo hogaanka howl-gelinta ciidanka bilayska . Kulankaasi waxa soo geba gebeeyey Maayir ku-xigeenka , ahna ku simaha Maayirka Caasimada Mud, C/casiis maxamed Xaashi, waxaanuu ku dheeraaday sida ay nabadgelyadu u tahay tiirka nolosha, waxaanuukukladardaarmay Gudoomiyayaasha degmooyinka inay fiiro gaar ah iyo feejignaan ka yeeshaan ilaalinta nabad-gelyada, wixii ay u arkaan inay nabad gelyada wiiqi kartana ay la soo socodsiiyaan ciidamada amniga.
Mud, C/casiis Maxamed Xaashi waxa uu kula dardaarmay masuuliyiintaa kulanka ka soo qayb galay inay yeeshaan wada shaqayn iyo iskaashi, layskuna xidhnaado. Waxaanu guddiyada nabad-gelyada degmooyinka si gaar ah ugula dardaarmay inay ilaaliyaan nadaafadda xashiishkana layska hagaajiyo.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com