Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo ka Dalbaday Xisbiyada Mucaaridku inaanay hawlaha Biyaha Siyaasadayn
Hargaysa 05.Jan 2014 (SDN)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Caasimada Hargaysa Mudane Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa ugu baaqay Bulshada Somaliland iyo Xisbiyada Siyaasada in Biyaha Caasimada aan la galin siyaasad, sidaana waxa uu ka sheegay shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa.
Maareeyaha wakaalada biyahu shirkaa jaraa’id waxa uu ku sheegay in xukuumad iyo wakaalad ahaanba ay ku dadaaleen sidii ay caasimadu Biyo ku filan u heli lahayd, isla markaana ay u suurta gashay in ay mashaariic biyo galineed ka hirgaliyeen deegaanka Xaraf oo ay soo gaadhsiiyeen ilaa Boqol jire’’, isla markaana ay iman doonaan biyahaasi deegaanada Ayax koow iyo Ayax Laba’’ ee magaalda Hargaysa.
Maareeyaha wakaaladda Biyaha ee Hargaysa waxa uu intaas ku daray in mashruucii biya galinta midawga yurub uu u socdo sidii loogu tala galay, isla markaana ay sanadka labada kun iyo shan iyo tabanka ay ku rajaweyn yihiin in boqolkiiba todobaatan caasimada Hargeysa ay hesho biyo ku filan, waxana uu meesha ka saaray hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga wadani oo sheegay inuu musuqmaasuqay mashruucii midawga Yurub ee biyo galinta magaalooyinka dalka.
Dhanka kale, Maareeyaha wakaaladdu waxa uu ka hadlay mashruuca biyo galinta xumba weyne oo baryahanba hadal hayntiisu warbaahinta ku badnayd, waxana uu cadeeyey in mashruuca biya galintu u socdo si toosa, isla markaana Beebku aanu soo mari doonin biyo soo saarka Geed deeble oo uu toos u imanayo Hargeysa, kana soo galayo dhinaca Bari isla markaana uu si toosa u waraabin doona Dagmooyinka gacan libaax iyo maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa.
Maareeyuhu waxa uu usoo jeediyey bulshada xisbiyada siyaasada iyo saxaafada in laga ilaaliyo biyaha siyaasada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com